hero-header

 

Guud ahaan, waxaad u baahan tahay inaad kaarkaaga ilaaliso sidoo kalena oo nadiif kuu ahaadaa. Haddii ay dhacdo in uu kaa lumo ama oo kaa dhamaado, fadlan hoos ka akhriso waxa aad sameyn karto iyo sida aad u bedeli karto.

Habka cusboonaysiinta aqoonsiga/ID iyo baasaboorka ee kuwa u safraya dibadda

Haddii aad qorsheyneyso inaad u safarto dibadda, fadlan hubi inaad dib ugu safri karto Gariiga si aad u dhamaystirto nidaamka cusboonaysiinta aqoonsigaaga/ID iyo Baasaboorkaaaga ka hor taariikhda uu dhacayo. Haddii aad dibadda ku maqan tahay ka dib marka aqoonsigaaga iyo baasaboorkaagu dhaco, ma awoodi doontid inaad soo celiso oo aad cusboonaysiiso dukumentiyadaada!

Fadlan akhri maqaalladan si aad u ogaato sida loo codsado cusboonaysiinta aqoonsigaaga ama Dukumentiyada Safarka si onlayn ah, oo xusuusnow inaad kaliya dhamaystiri karto nidaamka haddii aad joogtid Gariiga. Fadlan ogow inaad u safri karto wadamada kale ee EU 90 maalmood 6-biloodba.

🔵Muwaadiniinta Yukrayniyiinta ah: Kaarka Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah

Adeegga socdaalka hadda waxa uu soo saari karaa kaarar cusub oo ilaalin ku meel gaar ah si uu u beddelo kuwa lumay. (Hore, waxay bixiyeen kaliya shahaado waraaq ah oo caddaynaysa heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah iyo ansaxnimadeeda). Haddii ay dhacdo in kaadhkaagu kaa lumo, waad bedeli kartaa oo aad heli kartaa mid cusub.

Waxaad u baahan doontaa dukumentiyada soo socda:

  • Ka hel shahaado booliiska oo ku saabsan luminta/xatooyada kaadhka.
  • Iimayl ku dirtp-support@migration.gr iyo codsi balan ah.
  • Ka qaybgal ballanta wakhtiga ballanta adiga oo wata baasaboorkaaga iyo shahaadada booliiska.

Muddada ansaxnimada lagu sheegay kaadhka cusub ee la soo saaray waa March 4, 2024.

haddii kaadhkaaga ilaalinta ku meel gaadhka ah uu halaabo, iimayltp-support@migration.gov.gr, adoo sheegaya inaad u baahan tahay inaad bedesho kaarkaga iyo Xafiiska Magangalyada ayaa ka masuula kiiskaaga. Adeegga magangelyo ee aqoonta u leh ayaa kula soo xidhiidhi doona si ay ballan u qabsadaan si aad u hesho kaadhka cusub.

🔵 Kaarka Diiwaangelinta

Cusbooneysiinta kaarka magangelyada

Waa inaad dib u cusboonaysiisaa kaadhka diiwaangalinta iyadoo ku xidhan nooca nidaamka, bil kasta ama lixdii biloodba mar. Tan waxa lagu sheegay kaadhka magangalyada. Si aad u cusboonaysiiso kaadhkaaga magangalyada, waa in aad u soo bandhigtaa naftada wixii u danbeeyay maalinta ka danbeysa taariikhda uu dhacayo Adeegga magangalyada ee awooda leh. Haddii aad ku guul daraysato inaad sidaas samayso, waxaad u baahan tahay inaad u tagto Adeegga Magangalyada sida ugu dhakhsaha badan oo aad u sharaxdo sababta aad u cusbooneysiin kari wayday kadhkaaga waqtigii loogu talagalay. 

Fadlan xasuusnoow in Adeegga Magangelyada laga yaabo inuu xidho kiiskaaga haddii aad ku guul daraysato inaad cusboonaysiiso kadhkaaga maalinta xigta ka dib taariikhda uu dhacayo. Haddii ay dhacdo  in Adeegga Magangelyo uu soo saaro go'aan hakinaya baaritaanka codsigaaga magangalyo, waxaad xaq u leedahay inaad codsato sii socoshada hal mar kaliya iyo sagaal (9) bilood gudahooda laga bilaabo soo saarista go'aanka khuseeya. Wax badan bay ku caawin doontaa haddii aad haysato dukumeenti caddaynaya sababta aad u cusboonaysiin kari wayday kadhkaaga waqtigii loogu talagalay (tusaale dukumentiyada caafimaadka).

Haddii aysan suurtagal ahayn in Adeegga Magangelyo uu cusboonaysiiyo kaadhkaaga sababo farsamo ama sababo kale oo khuseeya hawlgalka Adeegga Magangalyada, waxay soo diri doontaa ogaysiis online ah si ay ugu wargaliso dadweynaha. Xaaladdan oo kale, kaarkaaga si toos ah ayaa loo cusboonaysiin doonaa.

Kaarka magangelyada ee dhacay

Sida kor lagu sharaxay, waa inaad dib u cusboonaysiisaa kaadhka diiwaangelinta iyadoo ku xidhan nooca nidaamka, mid kasta oo bil kasta ama lix bilood kasta. Waa in aad cusboonaysiinta u tagtaa ka hor inta aanu kaadhkaagu dhicin. Haddii kale, waxaa laga yaabaa in Adeegga Magangelyo uu xidho kiiskaaga.
Haddii kaarkaagu dhacay, u tag Adeegga Magangalyada sida ugu dhaqsaha badan oo u sharax sababta aad u cusboonaysiin weyday kaadhkaaga waqtigii loogu talagalay. Waa muhiim inaad tustid dukumeenti kasta oo cadeynaya in sababaha halista ah aysan kuu ogolaaneynin inaad isu soo bandhigto Adeegga Magangalyada maalinta ka dambeysa taariikhda uu dhacayo kaarka magangalyada ugu dambeyntii.

Kaaarka magangelyada ee lumay ama la xaday

  • Aad xafiiska magangalyada ee kaadhka bixiyay una sheeg shaqaalaha in kaadhkaaga kaa lumay ama lagaa xaday.
  • Adeegga magangalyada ayaa ku siin doona dukumeenti sheegaya inaad codsatay magangalyada caalamiga ah oo ku siinaya lambarka kaadhkaaga lumay.
  • U gee dukumentiga Booliiska Gariiga oo dheh kaarkaagii wuu lumay ama la xaday.
  • Booliiska ayaa ku siin doona warqad ogeysiis ah.
  • U gee ogeysiiska Adeegga magangalyada. Waxay ku siin doonaan kaadhka beddelka ugu yaraan laba bilood ka dib.
  • Ilaa inta aad ka heleeso kaarka beddelka ah, ka heeso dukumeentiga Adeegga magangalyada iyo ogeysiiska booliiska.

Kaarka magangelyada ee halaabay

Haddii Kaarkaaga diiwaan gelintauu dhaawacmay, tag Adeegga magangalyada oo codso beddelka. Keen kaarka dhaawacmay.

🔵 Ogalaanshaha Deganaashaha

Cusbooneysiinta Ogalaanshaha Deganaashaha

Waa inaad soo gudbisaa arjiga onlaynka ah ee dib u cusboonaysiinta Ogolaanshahaaga degenaanshaha 30 maalmood ee ugu dambeeya ka hor taariikhda uu dhacayo. Sababo la xiriira dib u dhac weyn oo ku yimaada ficil ahaan, waxaa lagula talinayaa inaad soo gudbiso codsiga 2-3 bilood ka hor taariikhda dhicitaanka.

Hoos ka hel si kooban heerarka iyo tillaabooyinka dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha joogitaanka ee qaxootiga la aqoonsan yahay ama dadka la siiyay ilaalin hoose:

  1. Talaabada 1aad: 2-3 bilood ka hor inta uusan dhicin ogolaanshaha deganaashaha, qofka heysta sharciga daganaanshaha waa in uu  ku buuxiyaa foomka codsiga dib u cusbooneysiinta si onlayn ah  iyo in oo uu ku soo diro hal sawir oo ah nuuca baasaboorka ee dijital ah iimayl ahaan  gas.residencepermits@migration.gov.gr. Kadib xereynta codsigaaga, waxaad codsan kartaa shahaado ah in codsigaaga uu weli socdo oo ay bixiso Adeegga Magangalyada. Iyadoo ku xiran culeyska shaqada ee Xafiiska Magangalyada Gobolka, waxaa laga yaabaa inaad hesho shahaadada isla markaaba ama waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad ku laabato maalmo gudahood. Waxaad weli isticmaali kartaa aqoonsigaagii dhacay ee caddayntan ilaa laga soo saarayo aqoonsigaaga cusub iyo ugu badnaan 6 bilood.
  2. Talaabada 2aad: Marka go'aanka dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha joogitaanka uu diyaar yahay, qofku waxa uu email ka heli doona Adeegga Magangalyada oo leh tilmaamo iyo dukumeenti ay tahay in ay wataan iyaga marka ay balanta la leeyihiin Booliska.
  3. Talaabada 3aad: Qofku waa inuu ballan la samaystaa waaxda booliska ee awooda u leh sida ku cad ciwaanka.
  4. Talaabada 4aad: Maalinta ballanta la qabanayo, waa in qofku isasoo keenaa saldhigga booliska oo ay la socdaan dukumentiyada loo baahan yahay. Kadib, waa in ay sugaan ogolaanshaha deganaashaha.
  5. Talaabada 5aad: Marka ogolaanshaha joogitaanka diyaar yahay, waa inaad ballan ka qabsato xafiiska magangalyada ee awooda u leh si aad u soo qaadato.

Ka hel dhamaan macluumaadka iyo foomamka mareegta wasaaradda halkaan.

Adeegga magangelyo doonka Giriiga waxa ay waydiisa dadka haysta ogolaanshaha deganaashaha in ay ku cusboonaysiiyaan si onlayn ah. Waxay soo jeedinayaan in la bilaabo habkan  ugu yaraan saddex bilood ka hor intaysan dhicin Oggolaanshahaaga Deganaanshiyaha.

Waa inaad si joogto ah u hubisaa ciwaanka iimaylka ee aad ku cadaysay codsigaaga, maadaama aad heli doonto iimaylka marka go'aanka cusboonaysiinta sharciga degenaanshada uu diyaar yahay. Sidoo kale hubi galka spamka ee akoonkaaga Gmailka.

Ka dib marka lagugu sheego in go'aanka cusboonaysiinta sharcigaaga uu diyaar yahay, waa inaad ballan ka samaysataa Waaxda Booliska ee awooda u leh si aad mar labaad u siiso farahaaga iyo sawiradaada. Nidaamkan ka dib, waa inaad sugtaa ogolaanshaha deganaashaha lagu bixinayo. Dadka qaarkiis waxay helaan Ogolaanshiyaha Deganaanshaha oo dib loo cusboonaysiiyay bil ama laba bilood gudahood. Kuwa kale, hawshu waxay qaadataa waqti dheer.

ka arag wax badan oo ku saabsan waxa aad filan karto marka aad cusboonaysiiso Ogolaanshahaaga degenaanshada maqaalkan halkan.

Haddii aadan soo gudbin codsigaaga onlaynka ah ee dib u cusboonaysiinta  Ogolaanshahaaga degenaanshaha  ka hor  taariikhda dhicitaanka, isku day inaad sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiso, adoo raacaya nidaamka kor lagu sharaxay. Xaaladdaas, waa inaad sharaxdaa sababta aad u xarayn wayday codsiga waqtigii loogu talagalay iyo, ugu fiican, soo gudbi dukumeenti caddaynaya sababta aadan u awoodin. (tusaale, waraaqaha caafimaadka) 

Xasuusnoow haddii aad dalka dibaddiisa ku maqan tahay oo sharcigaga joogitaankaagu dhacayo, ma awoodi doontid inaad ku laabato Gariiga, sidaas darteed waxaa lagugula talinayaa inaad soo laabato ka hor inta uusan dhicin. 

Haddii aad codsigaaga ku soo gudbin waydo wakhtiga kama dambaysta ah (30 maalmood ee ugu dambeeya ka hor taariikhda uu dhacayo), waxa jira ganaax dhan 100 euro  

Ogolaanshaha deganaanshaha ee dhacay

Codso si aad u cusboonaysiiso Ogolaanshiyahaaga deganaashaha ka hor inta aanu dhicin. Waxaad ku samayn kartaa habka onlayn. Ka arag wax badan oo ku saabsan waxa aad filan karto marka aad cusboonaysiiso Ogolaanshahaaga degenaanshaha maqaalkan halkan.

Fadlan ogow in Adeegga Magangalyada Gariiga uu u xaqiijiyay Refugee.Info in dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha degenaanshaha ay qaadan karto in ka badan intii la filayey - mararka qaar in ka badan lix bilood. Tani waxay ka dhigan tahay in qaarkiin laga yaabo in lagu daayo Ogolaanshaha Deganaanshaha oo dhacay, kuwaas oo aanad isticmaali karin si aad u xaqiijiso aqoonsigaaga ama si aad u gasho adeegyada dadweynaha sida xafiisyada shaqo la'aanta iyo xarumaha adeegga muwaadiniinta (KEPs). Sababtan awgeed, shahaado ayaa lagu siin doonaa lix bilood oo ansax ah, taas oo ay la socoto aqoonsigaagii dhacay, waxay xaqiijin kartaa helitaanka adeegyada si ku meel gaar ah.

Ogalaanshaha deganaashaha ee halaabay

haddii ogolaanshahaaga daganaanshaha uu si muuqata u dhaawacmo (faahfaahintaada gaar ahaaneed lama akhrin karo ama sawirkaagu aanu caddayn), waxaad codsan kartaa beddelaad. Waxaad u diri kartaa email gas.residencepermits@migration.gov.gr, soo dir sawirka sharcigaaga degenaanshada ee dhaawacan oo aad codsato bedelkiisa, ama aad shaqsi ahaan u tag Xafiiska magangalyada ee awooda u leh. Habka beddelka ayaa la mid ah habka la raaco marka kaadhkaagu kaa lumo. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka, fadlan la xiriir Refugee.Info kooxda.  

🔵 Dukumentiga Safarka

Cusbooneysii Dukumentiga Safarka

Si aad u cusboonaysiiso dukumeentikaaga safarka, waxaad u baahan tahay inaad qaado 5ta tilaabo ee soo socota:

  1. Talaabada 1aad: Marka koowaad, waxaad ka codsanaysaa adeega magangalyada email ahaan.
  2. Talaabada 2aad: Waxa aad ku soo dirtaa Baaqyo Sharafeed Boostada Adeegga Magangalyada.
  3. Talaabada 3aad: Waxaad jawaabta iimaylka ka heleysaa Adeegga Magangalyada oo leh tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka 4 iyo 5. Haddii aadan heli karin iimaylkan, hubi galkaaga spamka.
  4. Talaabada 4aad: Waxaad dukumentiyada u soo gudbisaa Xafiiska Baasaboorka ee Booliska Gariiga (ama Xafiisyada Ajaanibta).
  5. Talaabada 5aad: Waxaad dukumeentiga safarka ee la cusboonaysiiyay ka soo qaadanaysaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ama Qaybta Magangalyada ee Adeegga Magangalyada.

Si faahfaahsan u arag dhammaan tillaabooyinka iyo waxa aad filan karto marka aad dib u cusboonaysiinayso dhokumantigaaga safarka ee maqaalkan  halkan. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa tilmaamo ku qoran luqadaada  bogga Wasaaradda halkan.

Dukumentiga Safarka ee dhacay

Ma jiro wakhti kama dambays ah oo dib u cusboonaysiinta Dukumentiga Safarkaaga. Xusuusnow si aad u soo gudbiso codsiga khuseeya, waxaad u baahan tahay inaad haysato Ogolaansho Deganaansho oo sax ah. Waxaa lagugula talinayaa inaad codsato dib u cusboonaysiinta dukumeentigaaga safarka ka hor taariikhda uu dhacayo, gaar ahaan haddii aad u baahan tahay inaad u safarto dibadda, sababtoo ah haddii dukumeentigaaga safarku dhaco markaad dibedda ku jirto, ma awoodid inaad ku noqoto Giriigga oo aad dhammaystirto habka.

Dukumentiga Safarka ee lumay ama la xaday

  • Aad Xafiiska Magangalyada oo u sheeg shaqaalaha in aad lumisay dukumeentikaaga socdaalka ama la xaday.
  • Adeegga magangalyada ayaa ku siin doona dukumeenti sheegaya nambarka dukumeentikaaga safarka ee lumay ama la xaday.
  • U gee dukumeentiga Booliiska Gariiga oo dheh dukumentikaaga safarka waa lumay ama la xaday. Booliisku waxay ku weydiin doonaan inaad saxiixdo caddayn adag oo ku saabsan dukumeentiga safarka ee lumay ama la xaday.
  • Booliiska ayaa ku siin doona ogeysiis. Booliisku waxay si fiican u baari doonaan xaaladaha luminta ama xatooyada dukumeentiga safarka.
  • Adeegga magangalyada ayaa soo saari doona go'aan cusub oo ku saabsan dukumentiyada safarka ugu yaraan laba bilood ka dib.
  • Markaad hesho go'aanka cusub ee dukumentiga safarka, waa inaad ballan ka qabsataa Waaxda Booliska ee awoodda u leh si aad u dhigato farahaaga iyo sawirradaada mar kale si aad dib ugu hesho dukumentiga cusub ee safarka. Iyadoo ay la socdaan dukumentiyada loo baahan yahay, waa inaad soo gudbisaa shahaado ka timid Booliiska taasoo leh natiijada baaritaanka.
  • Ilaa inta aad ka heleeso dukumeentiga socdaalka ee cusub, heeso dukumeentiga Adeegga magangalyada iyo ogeysiiska booliiska.

Dukemntiga Safarka ee halaabay

Haddii dukumeentiga safarkaagu si muuqata u dhaawacmo (biyaha ayaa waxyeelloobay, gooyay, faahfaahintaada lama akhrin karo, ama sawirkaagu aanu caddayn), waxaad codsan kartaa beddelaad. Waxaad iimayl u diri kartaa xafiiska awooda u leh ee Adeegga Magangalyada  AS.au.ru@migration.gov.gr, u soo diri kartaa sawirka dukumeenti safarkaaga ee xumaaday oo codso bedelkiisa, ama aado Xafiiska magangalyada ee ka masuulka ah kiiskaaga. Habka beddelka ayaa la mid ah habka la raacay marka aad lumiso dukumeentigaaga. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka, fadlan nala soo xiriir.  

Wax badan oo ku saabsan Dukumentiyada Safarka ka hel maqaalkan halkan..

🔵 Kaarka Shaqo la'aanta

Si naxariis leh uga fiirso in kaarka shaqala'aanta uu u jiro qaab online ah oo aan loo bixin sidii kaarka jirka. Si loo xaqiijiyo heerkaaga ka faa'iideystaha shaqo la'aanta oo aad u hesho dheefahaaga, waxaa lagama maarmaan ah in aad ku daabacdo heerka shaqo la'aantaada iyada oo loo marayo marinka internetka.

KaarkaShaqo la'aanta ee dhacay

Haddii aad ku dhaafto dib u cusboonaysiinta kaadhkaaga shaqo la'aanta online, waxa loo qaadan doonaa mid dhacay iyo mid aan shaqaynayn. Sidaa darteed, waxaad u baahan doontaa inaad dib u bilowdo hawsha oo aad soo gudbiso codsi cusub oo ku saabsan bixinta kaadhka shaqo la'aanta.

CusbooneysiintaKaarka shaqo la'aanta

Waa inaad cusboonaysiisaa kaarka saddexdii biloodba mar iyo ugu yaraan 5 maalmood oo shaqo ka hor inta aanu kaadhkaagu dhicin. Waxa aad taas ku samayn kartaa onlayn, adiga oo isticmaalaya codsiga DYPA ama in aad ballan ka samaysato Xarunta Adeegga Muwaadiniinta (xafiisyada KEP). 

Wax badan ka hel maqaalka Qaadashada Kaadhka Shaqo La'aanta