hero-header

 

Ma ku timid badda jasiiradda Gariigga ee Lesvos, Chios, Samos, Kos ama Leros?

Haddii aad timid Jasiiradaha Gariigga ee Lesvos, Chios, Samos, Leros ama Kos markay ahayd ama ka dib Maarso 20, 2016, waa inaad martaa Habka Xuduudka. Sababta oo ah heshiiska loo yaqaan EU-Turkey Statement EU-Turkey Bayaanka iyo sharciga Gariiga ee wax laga beddelay ee ilaalinta caalamiga ah si loo fududeeyo dhaqangelintiisa.

Sida uu dhigayo Nidaamka Xuduudka, habka magangalyada waa inuu qaataa wax ka badan 28 maalmood, waxaana sidaas lagu gartaa waqtiyo kama dambays ah oo aad u gaaban tallaabo kasta oo nidaamka.

KA REEBITAAN AMA KA DHAAFID

Marka loo eego sharciga cusub ee lagu dabaqi karo, carruurta aan lala socon ee da'doodu ka yar tahay 15 sano iyo kuwa aan qaan-gaarin ee dhibanayaasha u ah ka ganacsiga dadka, jirdilka, kufsiga, ama noocyada kale ee halista ah ee nafsiga ah, jireed ama xadgudubyo galmo waa in laga dhaafaa nidaamka xadka. Si kastaba ha ahaatee, haddii shuruudo gaar ah lagu dabaqo, sida waddankooda asal ahaan loo qoondeeyey mid amaan ah(Ghana, Senegal, Togo, Gambia, Morocco, Algeria, Tunisia, Albania, Georgia, Ukraine, India iyo Armenia) ama haddii ay soo gudbiyeen Codsiga magangelyo dambe, codsigooda sidoo kale waxaa loo eegi karaa iyadoo la raacayo nidaamka xadka.

Dadka nugul ee u baahan dammaanad qaadis hab-raac gaar ah waxa laga yaabaa in sidoo kale laga dhaafo nidaamka xuduudka jasiiradda marka taageero ku filan aan la siin karin. Tani waxay dhici kartaa ka dib markii la qaado xayiraadda juqraafiga ee RIS iyo u gudbinta nidaamka caadiga ah ee Adeegga Magangalyada. Ficil ahaan, waxay inta badan khusaysaa arrimo caafimaad oo daran oo aan wax lagaga qaban karin jasiiradaha.

Wareysiyo

Marka ay Adeegga Magangelyo ee Gariiggu si rasmi ah u diiwaangeliyaan codsigaaga magangelyo, waxaad yeelan doontaa waraysi shakhsi ah. Shaqaalaha Adeegga Magangalyada Gariiga ama Xafiiska Taageerada Magangalyada Yurub (EASO) ayaa qaadi doona waraysigan. EASO waxay taageertaa Adeegga Magangalyada Gariiga waxayna soo saari kartaa kaliya ra'yi ku saabsan kiiskaaga, ma aha go'aan kama dambays ah.

Nooca waraysiga aad la yeelanayso marxaladan wuxuu ku xirnaan doonaa:

  • Dalka aad ka timid
  • Waxa uu sharcigaagu ahaa marka aad joogtay Turkiga ama meel kale
  • Haddii aad ku leedahay qoys dhow meel kale oo Yurub ah
  • Haddii laga yaabo in lagugu sifeeyo mid nugul

Wareysiga ogolaanshaha

Dad badan oo maraya Nidaamka Xuduudka ee jasiiradaha ayaa leh waraysi oggolaansho.

Waxay u badan tahay in aad yeelan doonto waraysi oggolaansho codsiga ah fikradda waddanka saddexaad ee amaanka ah haddii aad ka timid mid ka mid ah waddamada soo socda: Afgaanistaan, Bangladesh, Pakistan, Soomaaliya ama Suuriya.

Inta lagu gudo jiro waraysigan, ma'uuliyiinta ayaa go'aaminaya in codsigaaga magangalyo lagu baaro Gariiga ama haddii dib laguugu soo celin doono Turkiga.

Qof ku wareesanaya ayaa ku weydiin doona wixii kugu dhacay intii aad joogtey Turkiga. Ujeedada habkaan waa in la baaro in Turkigu uu yahay waddan nabdoon oo aad ku noqon karto iyo in kale. Haddii aad qabto wax dood ah oo ku saabsan in Turkigu aanu ahayn waddan ammaan kuu ah adiga, waa muhiim inaad si faahfaahsan u qeexdo marka halkan la maraayo.

Maxaa xiga?

Haddii maamulku u arkaan in sheygashadaada aan la aqbali karin , waxaad haysataa toban maalmood oo aad rafcaan ku qaadato ka dib marka go'aanka lagu ogeysiiyo.

RAFCAAN KA QAADASHADA GO'AANKA MAGANGALYADA GARIISKA-QORAALKA KOOWAAD

Haddii maamulku u arko in sheygashadaada la aqbali karo, waxa aad yeelan doontaa waraysi labaad oo ku saabsan sababaha aad uga soo qaxday dalkaaga iyo kuwa aad uga cabsanayso inaad dib ugu noqoto.

Wareysiga xaq u yeelashada

Haddii aadan lahayn waraysiga ogolaanshaha, ama haddii aad mid leedahay oo masuuliyiintu ogaadaan in codsigaaga magangelyo lagu baaro Gariiga, waxaad yeelan doontaa "waraysi u-qalmitaanka" Kani waa waraysiga ugu weyn ee magangalyada, waxayna go'aamin doontaa haddii aad magangelyo ka heli karto Gariiga. T

Inta lagu guda jiro wareysiga, ma'uuliyiintu waxay ku weydiin doonaan waxa dalkaaga kugu dhacay ee kugu qasbay inaad ka soo tagto iyo sababta aad uga baqeyso inaad ugu laabato. Kadib waxay go'aamin doonaan haddii aad u qalanto inaad magangelyo ka hesho Gariigga.

Wax badan ka baro wareysiyada magangalyada ee Gariiga: WAREYSI

Kadib waraysigaaga xaq u yeelashadaada, waa inaad rafcaan ku qaadataa toban maalmood gudahood haddii aad hesho jawaab diidmo ah . Haddii aadan haysan wakiil sharci, waxaad ka dalban kartaa gargaarka sharciga ee bilaashka ah ee Diiwaanka Qareenka ee adeegga magangalyada halkan .

Baro wax badan oo ku saabsan racfaan ka qaadashada go'aankaaga:

RAFCAAN KA QAADASHADA GO'AANKA MAGANGALYADA GARIISKA-QORAALKA KOOWAAD

Haddii aad hesho jawaab togan ama aqbalaad, hambalyo - waxaad wax badan ka baran kartaa xaaladdaada magangalyo ee Gariigga halkan:

Hagaha imaatinka - Gariiga