hero-header

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaadiniinta Yukreeniyaanka ah ee aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah oo la siiyay ilaalin caalami ah

Waxaad u isticmaali kartaa maqaalkan si aad wax badan uga ogaato Ogolaanshaha degenaanshaha ee Gariiga, oo ay ku jiraan:

  • Sideed u codsan kartaa ogolaanshaha degenaanshaha

  • Dokumenti noocee ah ayaad u baahan doontaa
  • Macluumaad ku saabsan kaarka ogolaanshaha deganaashaha

Kaarka ogolaanshaha deganaashaha

Ogolaanshahaaga degenaanshaha kuma siinaayo xaqa aad ugu safri karto meel ka baxsan Gariiga

Ogolaanshiyaha deganaashaha, waxaad xaq u leedahay:

Sida aad u codsan karto ogolaanshaha deganaashaha marka ugu horeysa - nidaamka

Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha deganaashaha marka lagu siiyo sharci qaxooti ah ama ilaalin hoosaad gudaha Gariiga. Isla markiiba waad codsan kartaa. Habka soo saarida ogolaanshaha deganaashaha(qaxootiga la aqoonsan yahay ama ka faa'iidaystayaasha ilaalinta hoose) waa sida soo socota:

Isla marka laguu aqoonsado heerka qaxoontiga ama ka faa'iidaystaha qayb hoosaadka, waxaad heli doontaa go'aanka aad ku sameysanayso ADET (ogolaanshaha degenaanshahaa). Sida sharciga ah, go'aanka soo saarista ADET waxa lagu siin doonaa isku mar go'aanka magangalyada caalamiga ah. Haddii taasi aysan dhicin, waa inaad si joogto ah u waydiisaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ee ka masuulka ah kiiskaaga.

  • Haddii aad ku nooshahay Thessaloniki, waxaad heli doontaa isla markiiba.
  • Haddii aad joogto jasiiradaha, go'aanka ADET waxaa suurtogal ah in lala gaaro go'aanka ilaalinta caalamiga ah. Waa inaad si joogto ah u waydiisaa Xafiiska Magangalyada Gobolka ee jasiiradda xaalad kasta oo kale.
  • Ka soo qaad in laguu wareejiyay meel kale, oo Xafiiska Magangalyada Gobolka ee kuugu dhow aanu ahayn kii soo saaray go'aanka aqoonsigaaga. Markaas, waa inaad ballan ka qabsato bogga internetka ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada ee Xafiiska Magangalyada Gobolka ee u dhow meesha aad deggan tahay.

Marka aad heshid go'aanka ku saabsan bixinta ogolaanshaha deganaashaha Xafiiska Magangalyada Gobolka, waa in aad ballan ka samaysataa waaxda booliiska.

Inta lagu gudo jiro ballantaada, waxaad siin doontaa waxyaabaha soo socda:

  • farahaaga
  • hal sawir oo ah nuuca baasaboorka
  • bayaan adag oo sheegaya cinwaankaaga hadda
  • Go'aanka sare ee bixinta ogolaanshaha deganaashaha
  • koobiga kaarka magangalyada

Waa inaad haysataa kaadhkaaga magangalyada caalamiga ah (oo shaqaynaya wakhtiga ballanta) oo aad tustaa booliiska. Waxa kale oo laga yaabaa inay faa'iido leedahay in la daabaco ballantaada booliiska haddii aad ku nooshahay Attica.

Markaa waa inaad sugtaa 3-4 bilood si loo sameeyo ogolaanshaha deganaashaha, taasoo aad ka heli doonto Xafiiska Magangalyada Gobolka ee ka masuulka ah kiiskaaga. Waxaad sidoo kale hubin kartaa in ogolaanshahaaga daganaanshaha uu diyaar yahay - haddii aad ka heli doonto RAO Athens- online-ka goobta adeega magangalyada .

Ogolaanshaha degenaanshaha:

  • Waxay shaqaynaysaa saddex sano haddii lagu siiyo sharci qaxootinimo.
  • Waxay shaqaynaysaa hal sano haddii lagu siiyo ilaalin hoose(bini'aadannimo).

Muddada ogolaanshaha deganaashaha waxaa ay ku tilmaamantahay go'aanka lagu soo saaray ADET(Ogalaanshaha deganaashaha).

Halkan ka hel sida loo cusboonaysiiyo Ogolaanshahaaga Deganaanshaha .