hero-header

Markaad timaaddo Gariiga, haddii ay ku helaan Booliska Gariiga waxa ay ku geyn doonaan Xarunta Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RIC) taasoo ka jirta Lesvos, Chios iyo Filakio (Evros), Diavata (Thessaloniki) iyo Malakasa (Athens) ama Xakamaynta xiran. Xarunta Helitaanka Jasiiradaha (CCACI) oo ka jirta Samos, Kos iyo Leros.

  • Waxaad magacaaga, da'daada iyo jinsigaaga ka diwaangelin doontaa Adeegga Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga, ee ku dhex yaal Xarunta Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga. Haddii aad tahay qof aan qaan-gaarin, waa muhiim inaad tan u sheegto mas'uuliyiinta sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Booliiska Gariiga ayaa ku weydiin doona su'aalo ku saabsan waddankaaga asalka ah si loo xaqiijiyo dhalashadaada. Waxaa laga yaabaa inay ku weydiiyaan, tusaale ahaan, lacagta dalkaaga, calanka, lahjada, iwm.
  • Kooxda caafimaadka ee Adeegga Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga ayaa hubin doona xaaladdaada caafimaad. Waxay mas'uul ka yihiin samaynta qiimeyn caafimaad iyo mid maskaxeed. Weydii kooxda caafimaadka inaad aragto dhakhtarka cilmi-nafsiga haddii aad la kulanto arrimo nafsi ah sida niyad-jabka, walaaca ama khalkhal argagaxa. Waxa laga yaabaa in laguu gudbiyo nidaamka qiimaynta da'da haddii uu jiro shaki ku saabsan da'daada.
  • Kooxda caafimaadku waa inay diyaariyaan warbixinta nuglaanshaha oo qoran ee kiisaska nugul, taasoo qayb ka noqon doonta codsigaaga magangelyo.
  • Iyada oo ku xidhan tahay inta khubarada caafimaadka ah ee laga heli karo xarunta gaarka ah, tani waxay ku dhici kartaa dhowr maalmood gudahood ama waxay qaadan kartaa waqti dheer.

Turjumaan ku hadla luqadaada waa inuu joogaa inta hawshan socoto. Hubi inaad weydiiso sharraxaad haddii aadan fahmin su'aalaha.

Nidaamyada aad ku mari doonto Xarunta Soo dhawaynta iyo Aqoonsiga waxay dhacaan ka hor intaadan dalban magangelyo ama isla maalintaas. Nidaamyadan marxaladda koowaad waxay muhiimad weyn u leeyihiin go'aaminta mustaqbalka joogitaankaaga Gariigga iyo helitaanka hoy iyo adeegyada ay helaan magangalyo-doonka.

Haddii aadan soo marin Xarunta Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga marka ugu horraysa ee aad soo gasho Gariiga, ma awoodi doontid inaad gasho xero(kaam) ama hoy kale, mana heli doontid habka magangalyada iyo adeegyo badan.

Haddii aadan soo marin nidaamka soo dhaweynta iyo aqoonsiga markaa timaadid, waxaad samayn doontaa markaad ballan qabsanayso si aad u diiwaan geliso codsigaaga magangelyo. Waxaad buuxin kartaa foomka halkan. Haddii wakhtigaas, aad degan tahay dhulka beriga ah ee Gariiga, nidaamyadani waxay ka dhici doonaan Malakasa ama xarumaha soo dhawaynta iyo aqoonsiga Diavata.

 

Maxaa lagamamaarmaan u ah soo dhawaynta iyo aqoonsiga?

Waxaad magacaaga, da'daada iyo jinsigaaga ka diwaangelin doontaa Adeegga Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga, ee ku dhex yaal Xarunta Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga. Haddii aad tahay qof aan qaan-gaarin, waa muhiim inaad tan u sheegto mas'uuliyiinta sida ugu dhaqsiyaha badan.

Adeeggu waxa ay ku weydiin doonaan su'aalo ku saabsan waddankaaga asalka ah si loo xaqiijiyo dhalashadaada. Waxaa laga yaabaa inay ku weydiiyaan, tusaale ahaan, lacagta dalkaaga, calanka, lahjada, iwm.

Kooxda caafimaadka ee Adeegga Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga ayaa hubin doona xaaladdaada caafimaad. Waxay mas'uul ka yihiin samaynta qiimeyn caafimaad iyo mid maskaxeed. Weydii kooxda caafimaadka inaad aragto dhakhtarka cilmi-nafsiga haddii aad la kulanto arrimo nafsi ah sida niyad-jabka, walaaca ama khalkhal argagaxa. Waxa laga yaabaa in laguu gudbiyo nidaamka qiimaynta da'da haddii uu jiro shaki ku saabsan da'daada.

Kooxda caafimaadku waa inay diyaariyaan warbixinta nuglaanshaha oo qoran ee kiisaska nugul, taasoo qayb ka noqon doonta codsigaaga magangelyo.

Tani waxay ku dhici kartaa dhowr maalmood gudahood ama waxay qaadan kartaa waqti dheer, iyadoo ku xiran tahay inta khubarada caafimaadka ah ee laga heli karo xarunta gaarka ah.

 

Maxaa lagamamaarmaan u ah soo dhawaynta iyo aqoonsiga?

Codsiga magangelyo ee adeega soo dhawaynta iyo aqoonsiga (RIS) waxay hubinaysaa inaad heli karto nidaamka iyo shuruudaha soo dhawaynta (sida hoy iyo gargaar lacageed) adoo ka diiwaangelinaya codsigaaga magangalyada Xafiiska Magangalyada Gobolka. Ogeysii RIS wixii ku saabsan xubnaha qoyska ee kula safraya si kiisaskaaga loogu biiri karo oo si wadajir ah wax looga qabto.

Hubi inaad u sheegto Adeegga Soo dhawaynta iyo Aqoonsiga wixii nuglaansho ah ee aan si fudud loo arki karin.

Haddii aad ka yar tahay 18, sheeg da'daada saxda ah . Way adkaan doontaa in la beddelo waraaqahaaga hadhow.

Hubi in faahfaahintaada si sax ah ugu qoran yihiin waraaqaha diiwaangelinta qofka buuxinaya foomkaaga. Way adag tahay in la beddelo macluumaadkaaga shakhsiyeed hadhow.

Waxa kale oo lagu waydiin doonaa macluumaadkaaga xidhiidhka. Hubi inaad bixiso ciwaanka iimaylka haddii aad si joogto ah kaligaa u gasho oo aad isticmaasho sababtoo ah Adeegga Magangelyada waxa laga yaabaa inay kugu ogeysiiyaan iimaylka wixii go'aano ah oo khuseeya kiiskaaga. Waa muhiim inaad si degdeg ah u gasho akoonkaaga maadaama waqtiyada kama dambaysta ahi ay bilaaban karaan markii laguu soo diray iimaylka. Haddii aadan si joogta ah u isticmaalin akoonkaaga iimaylka, waxaad dooran kartaa inaadan la wadaagin.

 

Intee in le'eg ayay soconaayaa habraacan?

Habka soo dhaweynta iyo aqoonsiga waa in uu qaataa in ka badan 25 maalmood. Waxaa laga yaabaa inaan laguu oggolaan inaad gudaha u gasho oo aad ka baxdo xarunta ilaa aad dhammaystirto Habka Soo-dhaweynta iyo Aqoonsiga.

 

Qiimaynta da'da

Inta aad joogtid Xarunta Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga (RIC), Haddii shaqaaluhu ka shakiyaan inaad ka yar tahay 18 sano, waa inay bilaabaan nidaamka qiimaynta da'da.

Habka qiimeynta da'da waxaa ka mid ah baaritaan caafimaad oo uu sameenaayo dhaqtarka guud ama dhakhtarka carruurta, cilmi-nafsiga iyo shaqaalaha bulshada iyo baaritaanka raajada, iyadoo ku xirantahay hadba sida ay u adag tahay in la go'aamiyo da'da. Marxalad kasta oo habraaca ah, waxaad xaq u leedahay in lagugu wargeliyo nidaamka la raacayo iyo natiijadeeda luqad aad fahmi karto. Ugu dambeyn waa in lagu sheegaa natiijooyinka. Haddii aadan ku raacsanayn natiijada qiimaynta da'da, waxaad haysataa 15 maalmood oo aad racfaan ku qaadato. Markaas, waxaa fiican inaad la tashato qareen.

 

Halkee ayaan joogayaa soo dhawaynta iyo aqoonsiga kadib?

Adeegga soo dhawaynta iyo aqoonsiga ayaa ku meelayn doona meel aad degto gudaha kaamka haddii mid la heli karo.

Shuruudaha ay maamulku ku xisaabtamayaan inay go'aan ka gaaraan meelaynta waa:

  • Nuglaanta
  • Dhalashada
  • Xaaladda qoyska (waxay si gaar ah u tixgelin doonaan meelayntaada haddii aad tahay nin keligiis ah, qoys weyn, qoys carruur leh ama hooyo keligeed ah)
  • Jinsiga
  • Da'da
  • Sifooyin gaar ah ama baahiyo gaar ah