Xaruunta Qaxootiga ee Multifunctional ee Athens (MFC Athens)

Hellenic Red Cross

Xaruunta Qaxootiga ee Multifunctional ee Athens (MFC Athens) logo
Markii u dambaysay ee la cusbooneysiiyay: 2/22/2024

Sharraxaad

Xaruunta Qaxootiga ee Multifunctional ee Athens (MFC Athens) ο waxay bixineesaa taageero iyo macluumaad loogu talagaley qaxootiga ayadoo loogu gudbinaayo luqadooda hooyo:

Macluumaad ku saabsan xaaladda Giriiga, magangelyo doonka, xaaladda sharciga ah iyo xuquuqda qaxootiga

Macluumaadka ku saabsan wakaaladaha dawliga ah iyo ururada aan dawliga ahayn (NGO-yada)

Ku xerista hay'adaha gargaarka sharciga

Macluumaadka iyo gudbinta daryeelka caafimaadka, guriyeynta, taageerada dhaqaalaha, cuntada iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah

Taageerada bulsheed ee shakhsi ahaaneed (sida taageerada cuntada iyo waxyaabaha aan cuntada ahayn, u-diridda daaweynta iyo taageerada nafsaaniga ah, guriyeynta, helitaanka waxbarashada guud ee carruurta iyo adeegyada kale)

Kaalmada nidaamka cusboonaysiinta ogolaanshaha joogitaanka

Caawi samaynta ballamaha cisbitaalada, rugaha caafimaadka, iyo Hellenic Red Cross EHS (Xarunta Caafimaadka Waxbarashada)

Taageerada nafsi-bulsheed ee kooxaha carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn

Turjumaad qadka Telefoonka ah ee NGO-yada, Hay'adaha Dawliga ah, Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka, adeegyada bulshada iwm.

Goobo kulineed ee bulsho

Goobta ciyaarta iyo kooxaha-ciyaaraha ee carruurta iyo waalidiinta

Taageerada waxbarashada dugsiga kadib iyo ka caawinta shaqada guriga ee carruurta aadaysa dugsiga dadweynaha

Koorsooyinka luqadda Giriigga iyo Ingiriisiga ee dadka waaweyn iyo carruurta

Barnaamij shaqo-helid oo ay ku jiraan diyaarinta CV-ga iyo warqadda dhiirigelinta, taageerada diyaarinta waraysiga, siminaaro la-talin shaqo, xiriirinta suuqa shaqada

Tababbarka tabaruca ee dadka doonaya inay taageeraan dadka qaxootiga ah iyo adeegyada Xarunta

Hawlaha madadaalada iyo dhacdooyinka

WiFi


Macluumaad dheeraad ah

Waxaad u baahan tahay inaad ballan samaysato oo aad haysato kaarka xubinta si aad u hesho adeegyada MFC. Si aad u hesho kaarka xubinta, waxaad u baahan tahay inaad iska diiwaan geliso MFC.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan adeegyada, wac khadka telefoonka ee:

Phone (landline): 00302105140440

WhatsApp/Viber: 00306934724893

Luqadaha taageerada:Carabi, Farsi/Dari, Pashto, Raashiyaan, Faransiis, Ingiriis, Giriig, Sawaaxili, Kinyarwanda, Kirundi, Turkish, Urdu, Mandingo, Malinke, Susu, Fula and Kissi

Helitaanka & amp; xog dheeraad ah

Adeegaan waa uu xiranyahay xiliyada fasaxyada dadweynaha: HAA

Ma balan ayaa loo baahanyahay: HAA

Sida loo sameeyo balanta: Wac 00302105140440 iyo WhatsApp/Viber 00306934724893

Ma lagu xidhiidhaa luqadda dhegoolaha:MAYA

Meesha laga soo galo waxa ay leedahay meel sare oo loogu talagelay gawaarida cuuriyaamiinta: MAYA

Goobtan waxay leedahay wiish: HAA

Goobtan waxay leedahay shaqaale haween ah: HAA

Goobtani ma waxay leedahay musqulo u gaar ah ragga iyo dumarka: HAA

Dhamaan adeegyada lasoo xusay waa bilaash: HAA

Cinwaanka

Kapodistriou 2 (biyaanada 1aad)

Athens

Saacadaha furitaanka

Isniin:
09:00 - 19:00
Talaado:
09:00 - 19:00
Arbaco:
09:00 - 19:00
Khamiis:
09:00 - 19:00
Jimce:
09:00 - 19:00

Cinwaan dirid

Kapodistriou [ΚΑΠΟΔΙΣΤΡΙΟΥ] 2, Athens

Email

mf@redcross.gr