20230215 Ukraine TKiptenko IDP shelter-54.jpg

Ma u baahan tahay inaad ka baxdo hoygaaga, mise waxaad qorshaynaysaa inaad beddesho ciwaankaaga ka hor bilowga sannad dugsiyeedka cusub?

Waa kuwan waxa muhiimka ah in la ogaado si loo hubiyo in ilmahaagu iska diiwaan geliyo dugsi kale si uu u sii wato waxbarashadiisa.

Xitaa haddii lagu weydiiyo inaad ka baxdo hoygaaga, haddii aad ka hesho meel cusub meel u dhow, isla aagga, carruurtaada waxaa laga yaabaa inaanay beddelmin dugsiyada.

Sida laga soo xigtay wasaaradda waxbarashada Gariigga, xaadiritaanka dugsiga ee carruurta da'doodu tahay 5 ilaa 15 sano waa qasab. Tani waxay ka dhigan tahay in cinwaanka beddelka uusan sabab u ahayn joojinta dugsiga. Markaa, haddii loo baahdo, waa muhiim in la bilaabo isu diyaarinta habka beddelka dugsiga sida ugu dhakhsaha badan.

Ka diwaan gelinta carruurtaada dugsi kale si ay waxbarashadooda u sii wataan waa wax iska fudud. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa macluumaadka ku saabsan dugsigii hore ee ilmahaaga.

Yaa u baahan inuu ogaado inaan u guurayo cinwaan kale?

Marka hore, waxaad u baahan tahay inaad u sheegto maamulaha dugsiga ee dugsiga ay carruurtaada ka diiwaangashan yihiin oo aad sidoo kale u sheegtaa Iskuduwaha Waxbarashada Qaxootiga. Labaduba waxay u baahan yihiin inay ka warqabaan isbeddel kasta oo ciwaan ah si ay u diyaariyaan dhammaan waraaqaha lagama maarmaanka u ah beddelka dugsiga (" metagrafi " ee Gariigga) si loo dhammaystiro.

Waa maxay waraaqaha aan u baahanahay?

Maamulaha dugsigu waxa laga yaabaa inuu bixiyo "shahaada imaanshaha dugsiga", laakiin xataa haddaysan ahayn, warbixinta ku jirta darajooyinka ilmahaaga ("elenchos" ee Gariiga) waxay ku siinaysaa dhammaan macluumaadka loo baahan yahay si loo dhamaystiro beddelka dugsiga.

Waxaad helaysaa warbixinta buundooyinka dugsiga:

  • 3dii biloodba mar dugsiga hoose
  • 4-tii biloodba mar ee dugsiga sare ee junior iyo lyceum
  • Dhammaadka sannad-dugsiyeed kasta, qiyaastii badhtamaha Juun, waxaad heli doontaa warbixinta ugu dambeysa ee buundooyinka dugsiga ee carruurtaada sannad dugsiyeedka oo dhan.

Ku xafid dhammaan warbixinnada bartamaha-sanadka iyo warbixinnada fasallada sannadka ugu dambeeya hal meel la isugu keeno. Dukumeentiyadan ayaa si dheeraad ah loogu baahan doonaa wadada waxbarasho ee ubadkaaga.

Maxaa dhacaya haddii carruurtaydu ay xaadiraan fasallada galabka?

Dhammaan carruurta tagtay fasallada soo dhawaynta galabka (waxa loogu yeeraa dyEP), waxay heli doonaan shahaado imaanshaha dhammaadka sannad dugsiyeedka.

Waxaad u baahan doontaa shahaadada xaadiritaanka si aad u fududayso diiwaangelinta dugsiga degaankaaga cusub.

Ma jiraa wakhti kama dambays ah oo ku saabsan beddelka dugsiga?

Haddii aad taqaano ciwaanka saxda ah ee aad u guurayso, waxaad ku qori kartaa caruurtaada dugsi cusub laga bilaabo bilawga sanad dugsiyeedka ilaa dhamaadka rubuca kowaad (Janaayo 20). Si kastaba ha ahaatee, kuwa ku nool xarumaha kaamka, waxay noqon kartaa ilaa toban (10) maalmood ka hor dhamaadka sanad dugsiyeedka Juun. Taariikhdan ka dib, dugsiyadu waa xidhmayaan xagaaga.

Haddii aad guurayso Julaay iyo Agoosto oo aadan weli garanayn cinwaankaaga cusub, diiwaangelintu waxay mar kale bilaaban doontaa 1da Sebtembar.

Si kastaba ha ahaatee, waxaad u baahan doontaa inaad aqoonsato dugsiga kuugu dhow, inaad la kulanto maamulaha dugsiga oo aad u soo bandhigto diiwaanka buundooyinka dugsiga ubadkaaga habka diiwaangelinta si uu u bilaabo.

Halkeen ka codsan karaa taageero habkan?

Beddelka dugsiga ama habraac kasta oo la xidhiidha waxbarashada, waxaad taageero weydiisan kartaa NGO-ga waxbarashada ama isku-duwaha waxbarashada qaxootiga.

Adeegyada

Booqo Khariidaddayada Adeegga si aad u raadiso adeegyada la siiyo magangalyo-doonka iyo qaxootiga, sida adeegyada caafimaadka, adeegyada macluumaadka iyo taageerada, adeegyada sharciga, adeegyada waxbarashada, haweenka, adeegyada gabdhaha iyo carruurta iwm. Raadintaada, waxaad u baahan tahay inaad raacdo tillaabooyinka hoose :

  1. Tabaha "Gobolka", waxaad dooran kartaa meesha aad ku sugan tahay ee Gariiga, sida Attica, Western Makedonia, Crete iwm.
  2. Tabaha "City", waxaad dooran kartaa magaaladaada gobolka, sida Athens, Thessaloniki iwm.
  3. Tabaha "All Services", waxaad kala dooran kartaa adeegyada sida xarumaha bulshada ee bixiya waxqabadyada bilaashka ah, jilayaasha sharciga, fasalada luqadaha ee bilaashka ah, isbitaalada dadweynaha iyo adeegyada bulshada iyo caafimaadka ee ay bixiso NGO-yadu.

Fadlan la soco in Khariidadda Adeeggu ay ku bixiso macluumaadka si Ingiriisi ah, laakiin waxaad noogu soo diri kartaa farriin Facebook-ga si aan kuugu hagno NGO-yada, adeeg bixiyayaasha iyo adeegyada dadweynaha hadba baahidaada.

La xidhiidh Isuduwaha Waxbarashada Qaxootiga ee Wasaaradda Waxbarashada haddii aad ku nooshahay xero. Haddii aanad garanayn qofkaas qofka uu yahay xeradaada jooga, la xidhiidh maamulaha goobta ama kooxda UNHCR oo waydii inay kugu xidhaan isuduwaha waxbarashada qaxootiga ee Wasaaradda Waxbarashada.