hero-header

Waa inaad tustaa caddaynta ciwaanka si aad u hesho:

Dukumentiyada aad bixin karto si aad u caddayso ciwaankaagu waa:

  • Heshiis guri, haddii oo guri kuu kiraysanyahay keligaa.
  • Shahaado guri la'aan, haddii aad tahay guri la';aan.
  • Biilasha korontada ama biyaha ee magacaaga ku qoran.
  • Haddii qof kale ku marti qaado, markaas qofkani waa inuu ku siiyaa nuqulka qandaraaska gurigiisa/gurigeeda oo ay la socoto caddayn adag oo ah inaad gurigiisa ku marti tahay. Waxaad ka heli kartaa halkan foomkan rasmiga ah . Waxay ku qoran tahay Gariig. Waxaad ka arki kartaa tarjumaadda Ingiriisiga ee foomka halkan .

Qofka ku martigelinaya waa inuu sameeyaa sida soo socota:

  • Haddii isaga/iyada aysan ku hadlin Gariig ama Ingiriisi, waa in isaga/iyada ay weyddiisato qof ku hadla Gariig inuu ka caawiyo buuxinta foomka.
  • Isaga/iyada waa in aysan wali saxiixin foomka!
  • Isaga/iyada waa in ay u qaadaan foomka la buuxiyay xafiiska KEP ama xafiiska booliiska si uu u helo shahaado saxiixiisa/saxiixeeda.
  • Isaga/iyada waa in ay ku saxiixaan foomka hortiisa sarkaalka KEP ama sarkaal booliis ah, kaas oo cadeyn doona sax ahaanshaha saxiixiisa/saxiixeeda isaga oo ku dhigaya shaambad rasmi ah.