hero-header

 

Sannad kasta, Wasaaradda Caafimaadku waxay taxdaa 10 tallaal oo carruurtu u baahan yihiin inay dugsiga tagaan. Tani maaha mid qasab ah, laakiin waa habka ugu waxtarka badan uguna badbaado badan ee carruurta looga ilaaliyo cudurrada faafa iyo ka hortagga dhaawacyada wadnaha la xiriira inta lagu jiro ciyaaraha laakiin sidoo kale si loo ilaaliyo bulshada dugsiga.

Haddii ee carruurtaada leeyahiin PAAYPA ama Lambarka Bulshada (A.M.K.A.),marka aad diwaan gashanayso caruurtaada u kaxee kaararkooda talaalka ama cadaymo kale oo talaal ah dugsiga. Dugsigu waxa laga yaabaa inuu yidhaahdo in tallaalada ku qoran Kaadhkaaga) ay ku filan yihiin.

Halka laga tallaalo

Haddii aad leedahay PAAYPA ama Lambarka Bulshada (AMKA), waxaad ballan ka qabsan kartaa Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (PEDY), Xarumaha Caafimaadka, Unugyada Caafimaadka Deegaanka (TOMY). Waxaad u baahan tahay inaad wacdo 1535 si aad ballan u qabsato.

Maadaama taariikhda ballantu ay dhowr toddobaad ka danbeyso bilowga dugsiga, weli waad qori kartaa carruurtaada, waxaadna siin kartaa buug-yaraha tallaalka toddobaadyada soo socda, marka aad tallaalka sameyso. Ilmo kastaa waa inuu haystaa buug-yaraha tallaalka oo u gaar ah. Waxaad ka iibsan kartaa mid qiimo jaban dukaanka buugaagta ama waxaad dhakhtarkaaga weydiisan kartaa buug-yaraha bilaashka ah haddii iyada/isaga ay haysato.

Maalinta ballantaada takhaatiirta ayaa ku siin doona warqad talaal ah waana inaad tagtaa oo ka soo iibsataa farmashiyaha kuugu dhow. Kani waa bilaash haddii aad haysato lambarka caymiska. Intaa ka dib, waxaad mar kale booqataa dhakhtarka ballan cusub oo ilmaha waa la tallaali karaa.

Haddii aad ku nooshahay xero qaxooti oo rasmi ah

Weydiiso shaqaalaha kaamkaaga gargaar. Waxa laga yaabaa inay abaabulaan tallaalada dugsiga. Haddii kale waxay ku siin doonaan macluumaad dheeraad ah oo kugu hagi doonta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee kuugu dhow (PEDY), Xarumaha Caafimaadka, Unugyada Caafimaadka Deegaanka (TOMY) oo aad booqan karto.

Haddii aad ku nooshahay barnaamij hoy ay bixiso NGO

Weydiiso UNHCR ama shaqaalaha NGO-ga ee goobtaada caawinaad. Waxa laga yaabaa inay abaabulaan tallaalada dugsiga. Haddii kale waxay ku siin doonaan macluumaad dheeraad ah oo ku toosin doona daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee kuugu dhow (PEDY), Xarumaha Caafimaadka, Unugyada Caafimaadka Deegaanka (TOMY) oo aad booqan karto.

Haddii aad tahay qof kaligii degan

Waxaad macluumaad ka raadsan kartaa Adeegga Bulshada (NGO-yada ama Waaxda Dadweynaha Haddii carruurtaadu aanay haysan PAAYPA ama Lambarka Bulshada (AMKA) haddii ay taasi dhacdo waxaad la hadli kartaa ururada caafimaadka ee maxaliga ah (NGO-yada).

Booqo khariidadda Adeegga oo raadi si waafaqsan goobtaada iyo gobolkaaga.

Athens, waxa kale oo aad ka heli kartaa tallaalada dugsiga bilaashka ah Xarunta Caafimaadka Waxbarashada Laanqayrta Cas ee Panormou. Waa inaad ballan samaysataa. Ballanta waa xadidan tahay . Waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad kaxeysato turjumaan.

Waxaad sidoo kale booqan kartaa mid kasta xaruun caafimaad ee carruurtaloogu talagalay tallaallada dugsiga ee bilaashka ah. Isku day inaad hesho aLambarka Bulshadamarka koowaad.

Sido kale, waxaad wici kartaa MEDICINS DU MONDE (MDM), ballan ka qabso oo u tag tallaalka. La xidhiidh: 210 32 13 150. Waxa kale oo aad wici kartaa dhoola cadeynta ilmaha, adoo raacaya isla talaabooyinka. La xidhiidh: 2107647760

Si aad ballan uga qabsato Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (PEDY) iyo Unugyada Caafimaadka Maxalliga ah (TOMY) ee agagaarkaaga, wac 14900 si aad ballan ula yeelato dhakhtarka carruurta si gaar ah loogu tallaalo.

Wicitaanadu waa €1, hawlwadeenaduna waxay ku hadlaan Gariig oo keliya . Haddii aadan ku hadli karin Gariig, weydii qof ku hadla inuu kuu waco.