hero-header

Dugsiga barbaarinta dadweynaha ee Gariiga waa bilaash, dhammaan carruurta 4 iyo 5-jirka ah, oo ay ku jiraan carruurta qaxootiga iyo magangelyo-doonka, ayaa looga baahan yahay inay is-diiwaangeliyaan.

Ka hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan diiwaangelinta iyo dukumentiyada aad u baahan tahay maqaalkan.

Ilmahaygu boos ma loo dammaanad qaaday?

Inta ay tahay in aad is-diiwaangeliso, waxaa suurtogal ah in ilmahaagu boos heli waayo haddii tirada carruurta la diiwaan-galiyey ay badan tahay dugsiga barbaarinta. Tani waxay inta badan ka dhacdaa meelo gaar ah oo magaalooyinka ah oo dadku ku badan yihiin, halkaasoo meelaha xanaanooyinka dadweynaha ay aad u kooban yihiin. Qoysaska Gariiga sidoo kale waxay ku dhibtoonayaan inay boos ka helaan xarumaha xanaanada. Si kastaba ha ahaatee, xaaladahan, maamulaha dugsigu wuxuu isku dayi doonaa inuu boos ka helo kindergarten kale, oo u dhow aaggan.

Maxaa dhacaya haddii aan dhaafo waqtiga kama dambaysta ah?

Wali waad qori kartaa carruurtaada. Laakiin wasaaradda waxbarashadu waxay ka digaysaa in aad caruurtiina diwaangelisaan si aad fursadda ugu wanaagsan ee ay boos uga helaan.

Ka waran haddii aan sugayo Midaynta Qoyska?

Ilmahaagu waa inuu isdiiwaangeliyaa xitaa haddii aad sugayso dib u midowga Qoyska ee waddan kale. Diiwaangelintu ma saameyn doonto haddii iyo goorta aad ka bixi karto Gariigga.

Ilmahaygu ma heli doonaa shahaado dhamaadka sanadka?

Haa, ilmahaagu wuxuu heli doonaa shahaado imaanshaha.

Helitaanka shahaadadu waxay sahlaysaa inaad ilmahaaga ku qorto dugsiga hoose marka uu gaadho 6 jir.

Ilmahaygu ma tagi doonaa fasalka soo dhawaynta gaarka ah?

Ma jiri doono fasalo soo dhawayneed oo gaar ah - ilmahaagu waxa uu ka qayb gali doonaa fasalo caadi ah isaga iyo caruurta Gariiga.

Ilmahaygu waxa uu dhashay 2016. Ma iska qori kartaa xanaanada?

Sannadkan, dhammaan dugsiyada barbaarinta ee Gariiga waxay aqbalayaan carruurta 4-sano jir ah. Carruurta dhasha 2016 waxay dhiganayaan kindergarten 2 sano ka hor intaysan ku biirin dugsiga hoose.

Yaa kaa caawin kara isdiiwaangelinta

Haddii aad ku nooshahay guri magaalo oo ay martigeliso NGO, weydii shaqaale bulsho ama shaqaale kale oo NGO ah gargaar. Waxay la xiriiri doonaan dugsiga barbaarinta ee kuugu dhow, ama Isku-duwaha Waxbarashada Qaxootiga, kaasoo kaa caawin doona inaad isdiiwaangeliso.

Haddii aad ku nooshahay xero , la xiriir Isuduwaha Waxbarashada Qaxootiga ee Wasaaradda Waxbarashada ee kaamka si aad kaalmo u hesho.

Haddii aad ku nooshahay guri gaar ah , fariin noogu soo dir Facebook-ga waxaanu isku dayi doonnaa inaanu kaa caawino inaad hesho NGO ku caawin kara.

Sida la isku diiwaan geliyo

Si aad isu diiwaangeliso, booqo dugsiga barbaarinta carruurta ee kuugu dhow.

Haddii aad keligaa aado dugsi oo aadan ku hadlin Giriig ama Ingiriisi, waxaad qaadan kartaa warqadan (Giriiga, Ingiriisiga, Carabiga, Farsi iyo Urduuga). Waxay waydiisanaysaa dugsiga inuu kaa caawiyo diiwaangelinta carruurtaada.

Hubi inaad hesho lambar (loo yaqaan "protokolo" oo Gariig ah) ee codsigaaga.

Maxaa la keenayaa

Markaad booqato dugsiga si aad isku diwaangeliso, keen:

  • Caddeynta tallaalka.
  • Caddaynta ciwaanka Haddii aad ku nooshahay guri gaar ah, waxaad ku qaadan kartaa biilka korontada magacaaga caddayn ahaan cinwaanka.
  • Kaarka Diiwaangelinta ilmahaaga ama Ogolaanshaha degenaanshaha. Dugsigu wuxuu samayn doonaa nuqul.
  • Muwaadiniinta Yukreeniyaanka, waxaad u baahan tahay inaad keento kaarka Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah.

Haddii ay kaa maqan yihiin dukumeenti, maamulayaasha dugsigu waa inay qoraan ilmahaaga si kastaba.

Inta lagu jiro isdiiwaangelinta, dugsigaagu wuxuu ku siin doonaa foom ay tahay inaad u qaadato xarunta caafimaadka dadweynaha ama rugta caafimaadka. Waxaad sidoo kale arki kartaa oo aad horay u daabacan kartaa foomkan halkan.

Dhakhtar ayaa ilmahaaga ku baari doona lacag la'aan wuxuuna ku siin doonaa shahaado caafimaad si aad ugu soo celiso dugsigaaga.