hero-header

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaaddiniinta Yukreeniyaanka ah ee la diiday ee aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah.

 

Waa maxay faraha, maxaan ugu baahanahay inaan sameeyo habkan?

Farahaaga waxaa loo isticmaalaa si loola socdo:

  • Halka aad ka gasho Yurub
  • Meesha Yurub aad ka codsatay magangalyo

Farahaaga ayaa la galinayaaXogta Dhexe ee Yurub, ama Eurodac,Kaas oo gacan ka geysanaya go'aaminta waddanka Yurub ee mas'uulka ka ah baaritaanka codsigaaga sida waafaqsan heshiis la yiraahdo Dublin III. Eurodac inta badan waxay haysaa macluumaadka faraha ilaa 10 sano.

Gariiga ayaa faraha kaa qaadi doona:

  • Markaad hesho qoraalkaaga booliiska
  • Markaad timaado ballanta diiwaangelintaada
  • Bixinta ogolaanshaha joogitaanka iyo dukumentiyada safarka kadib marka lagu siiyo magangalyada caalamiga ah

Ma codsan kartid dib-ula midowga reeraha ama magangalyada Gariiga adoon farahaaga la qaadin.

Haddii aad siin waydo Adeegga Magangalyada Gariiga farahaaga, codsigaaga waxaa lagu eegi doonaa "nidaamka la dedejiyey," oo ay ku jiraan waqtiyada kama dambaysta ah oo adag.

Waddamada kale ee Yurub waxay isticmaali karaan Eurodac si ay u ogaadaan inaad markii ugu horreysay Yurub ka soo gashay Gariigga, ka dibna wayddiiyaan Gariigga inay dib kuu celiyaan ayadoo la maraayo Dublin III.

Marka go'aan togan(aqbalaad) la soo saaro oo lagu siiyo ogolaanshaha joogitaanka iyo dukumentiyada safarka sidoo kale waa in lagaa qaadaa faraha.