hero-header

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaaddiniinta Yukreeniyaanka ah ee la diiday ee aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah.

 

Inta lagu gudo jiro nidaamkaaga magangalyada, waxaad si sharci ah ku joogtaa Gariiga, lagumana masaafurin karo. Adeegga magangalyada Gariiga waa inuu marka hore caddeeyaa haddii ay jirto baahi ah in lagu siiyo ilaalin caalami ah.

Fadlan ogow in sharcigu aanu kaa ilaalinayn masaafurinta marka aad soo gudbiso codsi magangelyo oo danbe ilaa in la ogolaado oo lagugu martiqaado waraysi cusub mooyee. Isla sidaas oo kale ayaa khuseeysa kiisaska lagu baaray habraaca la dedejiyey ama xuduudka. Waxaad xaq u leedahay inaad codsi ka hor gudbiso Guddiga Racfaanaadka oo aad codsato in laguu ogolaado joogitaankaaga dalka ilaa go'aan labaad laga soo saarayo. Haddii aad hesho diidmada kama dambaysta ah ee sheegashadaada magangelyo (ka dib racfaankaaga, ama haddii aadan rafcaan ka qaadanin go'aanka ugu horreeya ee diidmada muddada kama dambaysta ah), xaaladdaada Gariiggu sharci ahaan mayso. Kaarkaga magangalyo doonka ah waa la qaadanayaa, mana heli doontid hoy iyo kaalmo lacageed.

Halkaa marka ay marayso, haddii booliisku ku joojiyo, waxay u badan tahay in lagu xeri doonno.

Goorma ayay dhaceysaa masaafurinta?

Markaad timaado Gariiga, haddii aadan muujin rabitaanka ah inaad codsato magangelyo inta lagu gudo jiro Nidaamka Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga, Adeegga Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga ayaa kuu gudbin doono Booliiska, halkaas oo nidaamyada masaafurinta ay ka bilaabman doonto.

Booliisku waxay markaas kuu wareejin doonaan xarunta ugu dhow ee masaafurineed, halkaas oo ay kugu hayn doonaan xabsiga ilaa wakhtiga lagu masaafurinayo.

Xarumaha Dib-u-celinta waxay ku yaalaan meelaha soo socda:

  • Tavros, Athens (Petrou Ralli)
  • Amigdaleza
  • Korinthos
  • Paranesti, Drama
  • Xanthi
  • Evros (Fylakio)
  • Samos
  • Kos

Maxaa dhacaya haddii aan helo go'aan diidmo ah oo rafcaankaygu noqdo mid guuldareysta?

Marka loo eego nidaamka magangalyada ee caadiga ah, Haddii go'aankaaga magangalyo ee ugu horeeya uu yahay diidmo oo racfaankaagu aanu guulaysan, waxaad halis u tahay in lagugu xiro xabsiga booliska oo lagugu celiyo wadankaaga. Xaaladaha qaarkood ee aan caadiga ahayn, waxaa jira suurtagalnimada in lagu siiyo waqti kama dambays ah oo aad dalka kaga baxdo. Haddii ay taasi dhacdo, kama dambaysta waxaa lagu sheegi doonaa dhamaadka go'aanka diidmada ah.

Goorma ayay dib-u-celintu dhacaysaa?

Haddii aad ka timid Afgaanistaan, Pakistan, Bangladesh, Somalia ama Syria oo aad oo aad timid Gariiga adigoo ka timid Turkiga, waxaa jirta fursad ah in dib laguugu celiyo Turkiga haddii aad hesho go'aanka ugu dambeeya ee diidmada ah. Dib u soo celinta waxay sidoo kale ku dhici kartaa qofka imaanaya Gariiga iyagoo soo maray Albania ama Waqooyiga Macedonia, iyada oo aan loo eegin waddanka aad ka timid. Xaaladdan oo kale, haddii ay dhacdo go'aan diidmo ah, waxaa laga yaabaa in laguu celiyo Albania ama Waqooyiga Macedonia, waase haddii dalalkan ay badbaado kuu yihiin.

Sidee u dhacdaa masaafurinta ama dib u celinta?

Ka dib marka lagu dhawaaqo go'aamada diidmada ah, waxaa lagu geyn doonaa xarun lagu hayo dad la masaafurinaayo. Ku xernaanta halkaas waxay socon kartaa ilaa 18 bilood. Go'aamada masaafurinta iyo dib u celinta, iyo sidoo kale go'aanka xabsiga, waxaa looga doodi karaa maxkamadaha maamulka Gariigga. Waxaad nidaamkan u baahan doontaa looyar, marka iska hubi inaad la xirriirto hay'ad gargaar oo sharci ama shaqaalaha UNHCR (UNHCR ma bixin karto gargaar sharci, laakiin booqo inta badan xarumaha xabsiyada ee masaafurinta waxaana laga yaabaa inaad awoodo inaad bixiso macluumaadka ururada gargaarka sharciga ee firfircoon ee goob gaar ah).

Inta lagu gudo jiro xeritaankaaga, waxaad leedahay xuquuqaha soo socda:

  • In ay ku soo booqdaan qaraabadaada iyo qareenkaaga. Saaxiibadaa waxay keeni karaan dhar kasta ama lacag aad u baahan tahay waxayna u dhiibayaan booliiska si ay kuugu soo gudbiyaan
  • inaad la tashato qareen aadna hesho kaalmo sharci ah
  • In aad hesho teleefoon
  • In aad hesho adeegyo caafimaad aadna weydiisato dhakhtar
  • In aad maalin walba hesho meel barxad ah
  • In aad yeelitid sariir kuu gaar ah, alaabta nadaafadda shakhsiyadeed oo bilaash ah (shambo, daawada cadayga, tuwaalada nadaafadda) iyo go'yaal nadiif ah iyo bustayaal
  • Haddii aad dumar tahay, in laguu hayo si gooni ah oo bilaa rag ah ilaa in ay yihiin xubnaha qoyskaaga oo aad ogolaato inaad wada joogtiin.
  • In si xushmad leh laguula dhaqmo. In si xun loola dhaqmo maxaabiista, iyo sidoo kale dhaqan kasta ama fal cunsurinimo, takoorid ama nacayb, waa mamnuuc sharci ahaan.

Haddii lagu masaafurinayo - waxaa jira liis duulimaadyo u baxaya waddamo kala duwan toddobaad kasta. Booliisku waxay ku dhawaaqi doonaan marka ay tahay xiligaaga inaad u dhoofto wadankaaga.

Haddii dib laguugu celiyoo - wakhtigan la joogo (ilaa Maarso 2020), wax dib u celin oo Turkiga ah lama sameen. Ma cadda goorta ay dib u bilaaban doonaan. Markii hore, waxaa jiray doonyo si joogto ah ugu safri jiray Turkiga, waxaana booliisku ay ku dhawaaqi jireen marka ay noqoto qof xiligiisa in dib loo celiyo.