hero-header

Wareysigaaga magangelyada waa mid aad muhiim u ah. Wareysigan, Gariiga ayaa go'aamin doonta haddii aad heli doonto qaxootinimo ama ilaalin hoosaad ama haddii laguu diidi doono magangalyo. Iyadoo ay ku xiran tahay dalka aad ka timid, waxaa jirta suurtogalnimo ah in mas'uuliyiintu ay marka hore qiimeeyaan haddii Gariiggu uu mas'uul ka yahay qiimeynta codsigaaga. Sidaas awgeed, waa muhiim inaad diyaariso waxaad aad dhihi doonto.

 

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaadiniinta Yukreeniyaanka ah ee aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah oo codsaday ilaalin caalami ah.

 

Inta lagu gudo jiro wareysigaaga

Inta lagu gudo jiro wareysigaaga waxaad leedahay xuquuqaha soo socda:

  • Waxaad la tashan kartaa qareen kaa caawiya inaad u diyaargarowdo waraysiga.
  • Haddii aad tahay qof nugul oo waraysigaaga la qorsheeyay 15 maalmood gudahooda laga bilaabo soo gudbinta codsigaaga magangalyada, waxaad codsan kartaa ilaa 3 maalmood si aad u diyaariso waraysigaaga. Haddii waraysigaaga la qorsheeyay in ka badan 15 maalmood ka dib marka laga soo bilaabo marki aad gudbisay codsigaaga magangelyo, laguuma oggolaan doono inaad heshid 3 maalmood oo aad isku diyaariso.
  • Waxaad codsan kartaa in dib loo dhigo ballanta kaliya haddii ay jiraan arrimo caafimaad oo waaweyn si aad u caddeyso inaadan imaan karin maalinta wareysiga. Xaaladdan, waxaad u baahan doontaa dukumeenti khuseeya si aad tan u caddeyso. Xaaladdan oo kale, ma codsan kartid saddex maalmood oo dheeraad ah si aad isu diyaariso. Waxaan kugula talineynaa inaad raadsato caawimaad sharci iyo u diyaargarow wareysigaaga sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Waxaad heysan kartaa qareenkaaga, cilmi-nafsiga ama shaqaale bulsho inta lagu gudo jiro wareysiga.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad codsato turjumaan kale haddii aad dareento in turjumaanka loogu talogaley aanu bixineyn turjumid ku habboon.
  • Haddii aad tahay qof dumar ah, waxaad waydiisan kartaa waraysiga in ay sameeyaan sarkaal dumar ah oo ka tirsan adeegga magangalyada iyo haweeney turjumaan ah.
  • Hubi inaad waydiiso qofka ku wareysanaayo caddayn kasta haddii su'aashu aanay kuu caddaynin.
  • Waxaad codsan kartaa nasasho ama biyo haddii aad dareento daal.
  • Waxaad codsan kartaa koobiga/nuqul waraysigaaga, marka uu dhamaado.

Ogolaanshaha iyo waraysiyada u-qalmitaanka

Iyada oo ay ku xidhan tahay dalka aad ka soo gashay Gariiga iyo dhalashadaada, waxa laga yaabaa inaad gasho laba waraysi oo kala duwan ama mid la isku daray. Gaar ahaan, haddii aad ka soo gashay Turkiga, Albania ama Waqooyiga Macedonia oo dalka aad ka timid uu yahay Afgaanistaan, Bangladesh, Pakistan, Soomaaliya ama Suuriya, Adeegga Magangelyadu wuxuu marka hore isku dayi doonaa inuu caddeeyo haddii Gariiggu uu mas'uul ka yahay baaritaanka codsigaaga (qiimaynta oggolaanshaha) iyo haddii si togan ayay u go'aansadaan, ka dib waxay qiimeyn doonaan sheekadaada gaarka ah iyo in lagu siiyo heerka ilaalinta caalamiga ah (qiimaynta u-qalmitaanka). Su'aalaha hoose ka sokow, marka la baarayo oggolaanshaha, waxaa lagu weydiin doonaa muddada aad joogtay Turkiga, Albania, ama Waqooyiga Macedonia iyo wixii rabshado ah ama dhaawac ah oo dhacay intii aad safarka ku jirtay iyo joogitaanka dalalkan, kuwaas oo muujinaya in nolosha ay khatar ku jirtay markaad halkaas degganeed waxayna keeni kartaa khatar noocaas ah mar kale haddii halkaas lagugu celiyo. Hubi inaad bixiso tafaasiisha ugu badan ee suurtogalka ah ee ku saabsan dhacdooyinkan oo kale si aad gacan uga geysato qiimaynta in dalalkan loo aqoonsan kuwo badbaado kuu ah inaad ku noolaato halkaas iyo in kale.

 

Sheegitaanka sheekadaada

U sheeg sheekadaada si run ah oo faahfaahsan. Qor ka hor wareysigaaga si uu kaaga caawiyo inaad xasuusato.

Sheeg:

  • Taariikhaha iyo waqtiyada dhacdooyinka kugu qasbay inaad kasoo tagto dalkaaga
  • Goobaha ay dhacdooyinkani ka dhaceen
  • Dadka ku lug lehaa dhacdooyinkan

U diyaargarow inaad ka jawaabto su'aalo faahfaahsan. Tusaale ahaan: Haddii aad ahayd makaanik baabuur, waraystuhu waxa laga yaabaa inuu ku weydiiyo magacyada qaybo baabuur oo gaar ah oo afkaaga hooyo ah ama magaca xaafadda aad dukaan ku lahayd, haddii macluumaadkani khuseeyaan codsigaga magangelyo.

Bixi dhammaan macluumaadka khuseeya codsigaaga magangelyo. Taas waxaa ku jira macluumaadka ku saabsan:

  • Sababta aad uga soo tagtay dalkaaga
  • Sababta aadan ugu laaban karin dalkaaga
  • Sida aad ku timid Yurub

Si cad u sharax cadaadis kasta oo aad kala kulantay dalkaaga. Si cad u sharax sababta aad uga cabsanayso cadaadis sababtoo ah:

  • Jinsiyada
  • Diinta
  • Dhalashada
  • Aragti siyaasadeed
  • Xubinimada koox bulsho oo gaar ah

Su'aalaha ay Adeegga Magangelyada waydiiyaan

Waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo la xiriira macluumaadka codsigaaga, oo ay ku jiraan:

  • Aqoonsigaaga
  • Sida aad ku timid Gariiga
  • Sababaha aad uga soo tagtay dalkaagi (ama dalkii aad ku noolaan jirtay, haddii aad tahay qof aan waddan lahayn)
  • Sababaha aadan u awoodin ama aadan rabin inaad inaad ugu laabato dalkaas
  • Xubnaha qoyskaaga
  • Kooxdaada
  • Haddi aad ka mid aheyd militariga ama koox kale oo ka dagaalanta dalkaaga
  • Haddii aad haysatid dukumeenti muujinaya inaad u adeegtay/ka mid aheyd ciidanka
  • Haddii aad la dhacsan tahay koox kasta oo dagaalanta
  • Taariikhdaada diinta
  • Halka aad jeclaan laheyd inaad ka tagto Yurub
  • Taariikhdaada waxbarasho
  • Haddii aad diyaar u tahay inaad ku laabato dalkaaga markii uu dagaalku dhamaado
  • Wixii arrimo caafimaad ah oo aad qabto iyo wixii arrimo caafimaad ah ee qoyskaaga
  • Haddii aad lacag u dirayso xubnaha qoyska ama xubnaha qoyska ay lacag kuu soo diraan
  • Luuqadaha aad ku hadasho
  • Shaqooyinkaagii hore

Maxaa la keenayaa

Keen dhammaan dukumeentiyada aqoonsiga rasmiga ah ee aad haysato.

Kuwaas waxaa ka mid ah:

Keen dhammaan dukumeentiyadii aad ka soo qaadatay wadankaaga ama aad heshay intii aad safarka kusoo jirtay.

Tusaalooyinka:

  • Buuga qoyska
  • Shahaadooyinka dhalashada
  • Shahaadooyinka guurka
  • Buugaagta ciidan
  • shahaadooyin waxbarasho
  • Shahaadooyinka dugsiga luqadda

Waa inaad keentaa wixii dukumeenti ah ee taageeraya sheegashadaada inta lagu gudo jiro waraysigaaga.

Tusaalooyinka:

  • Warqado iyo iimaylo ka yimi asxaabtaada
  • Sawirro
  • Warbixinnada caafimaad
  • Warbixinnada booliska
  • Maqaallada wargeysyada
  • Qoraalada Facebook-ga
  • fariimaha WhatsApp
  • Tigidhada gaadiidka

Koobiyo/nuqulo kaliya

Keen koobiyo daabacan ama sawiro cad ama iskaan oo dukumeentiyadaada ah. Adeegga magangalyada Gariiga ma aqbalo dukumentiyada asalka ah ama koobiyada elektarooniga ah.

Ha keenin wax dokumeenti asal ah ee xubnaha qoyska, sidoo kale. Haddii aad keento kaadhadhka diiwaangelinta dadka kale, Adeegga Magangelyada ayaa laga yaabaa inuu kaa qaado, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyada joojinta iibka suuqa madow.