hero-header

Maqaalkan, waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida looga safro jasiirad ilaa dhulka beriga ah iyo habka aad u baahan tahay inaad raacdo.

 

Yaa la wareejinayaa?

Haddii aad timaaddo jasiiradaha oo aad codsato magangalyo, waxaa laga yaabaa in lagugu soo rogo xaddidaad juquraafi ah oo kaa mamnuucaysa inaad ka baxdo jasiiradda. Xayiraaddan ayaa lagu qori doonaa kaadhkaaga codsadaha ee smartka ah.

Xayiraadda juqraafiga, sida sharciga ah, waa la qaadi karaa haddee tahay xaaladahan soo socda:

Maamulka mas'uulka ka ah qaadista xayiraadaha juqraafiga waa Adeegga Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RIS), kaas oo leh shaqaale jooga gudaha Xarumaha Soo dhaweynta iyo Aqoonsiga (RICs) ee jasiiradaha iyo Xarumaha Helitaanka ee Xeran ee Jasiiradaha. Inta badan waxaad ka heli kartaa "xafiisyada wareejinta" ee shaqaynaya. Waqtiga ilaa go'aankan oo kale ee ku saabsan qaadista xayiraadda juqraafiga la soo saarayo way kala duwan tahay. Xaqiiji inaad waydiiso shaqaalaha ka mas'uulka ah goobta wixi ku saabsan wakhtiga.

Haddii xayiraadda juqraafiyeed la qaado, shaqaalaha RIS waa ay kugu dari karaan adiga (iyo qoyskaaga) liiska wareejinta dhulka beriga ah. Waxay ku ogeysiin doonaan marka la gaaro wakhtigaaga safarka. Maskaxda ku hay in dadka leh arrimo caafimaad oo degdega ah ahmiyad la siinaayo, halka tirada qoyska iyo helitaannada guryaha ee dhulka beriga ah ay saamayn ku yeelan karaan wareejinta. Waa inaad ogaataa in wakhtiga laga bilaabo wakhtiga diiwaangelinta ee liisaska wareejinta ilaa wareejinta dhabta ahi ay kala duwan tahay oo ay u badan tahay in lagugu wargelin doono ogeysiis aad u gaaban (badanaa maalin ka hor).

 

Xog waxtar leh

  • Wasaaradda socdaalka iyo magangalyada ayaa go'aamisa kaamka dhulka beriga ah lagugu meelayn doono.
  • Waxay ku wargelin doonaan ugu yaraan 24 saacadood ka hor wareejintaada.
  • Waa inaad ka soo muuqataa(tagtaa) goobta laguu qoondeeyay ama goobaha furan ee gelitaanka kaamamka iyo hoyga kale ee Gariiga oo dhan. Waxa kale oo laga yaabaa inaad lumiso helitaanka adeegyada kale ee bini'aadanimo, oo ay ku jiraan gargaarka lacagta caddaanka ah.
  • Marka wareejintaada ay abaabulaan mas'uuliyiinta Gariiga (oo loo yaqaan "wareejinta abaabulan"), Adeegga Magangalyada gobolka iyo hay'adda bixisa kaalmada lacagta caddaanka ah ee degaankaaga cusub waa inay helaan ogeysiis hore oo imaatinkaada ah, markaa waa inaad sii wadato helitaanka dhammaan adeegyada isku mid ah. .

Ma dooran kartid kaamka ama magaalada laguu wareejinaayo.

 

Su'aalo iyo jawaabo

Ma diidi karaa wareejintayda?

Waxa kaliya oo aad ku diidi kartaa wareejinta jasiiradda marka aad keento sabab sax ah. Sababaha saxda ah waxaa loo arkaa inay yihiin:

  • Arrimo caafimaad oo halis ah
  • Midnimada qoyska (haddii xubin qoyskaaga dhow laga tago)
  • Dukumentiyada la sugayo ee aad sugayso inaad ka soo qaadato Adeegga magangalyada
  • Go';aanka la sugayo ee ku saabsan cidda masuulka kaa ah (haddii aad ka yar tahay 18)

Waad diidi kartaa wareejinta adiga oo tagaya miiska wareejinta watana warqado cadeyn ah oo cadeynaya inaad qabta mid ka mid ah sababaha kor ku xusan. Wasaarada socdaalka ayaa eegaysa oo go'aan ka gaadhaysa codsigaaga.

 

Miyaan ka bixi karaa jasiiradda isla markaaba ka dib xannibaadda juqraafi ahaan la iga qaado?

Waad uga bixi kartaa jasiiradda kharashkaaga ama waxaad sugi kartaa wareejinta rasmiga ah ee dhulka beriga ah. Wareejintan waxaa qabanqaabiyo, oona fulisa Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada Gariiga. Xayiraadaha ka wareejinta jasiiradaha loona wareejinayo dhulka beriga ah ayaa lagu soo rogay mararka qaarkood xaaladaha degdegga ah, sida COVID-19.

Xitaa marka xaddidaada juqraafiyeed la qaado, haddii aad kaligaa uga baxdo jasiiradda, waxaad waayi doontaa gelitaanka kaamamka, hoy kale oo Gariigga oo dhan ah iyo kaalmada lacagta caddaanka ah. Waa inaad heshaa hoy oo aad iska bixisa qarashka haddaa tagto dhulka beriga ah. Tani waxay dhacdaa sababtoo ah markaad ka tagto jasiiradda keligaa, mas'uuliyiintu waxay u qaadanayaan inaad awoodid inaad daryeesho naftaada oo aad iska bixin karto kharashka gurigaaga iyo adeegyadaada. Haddii aadan awoodin inaad iska bixiso kharashka hoyga, hubi inaad ururiso macluumaadka xidhiidhka ee jilayaasha ilaalinta ee jooga meesha aad u safrayso ka hor intaanad dhoofin si ay kuugu hagaan adeegyada jira iyo talaabooyinka aad raacayso.

 

Maxaa ku dhacaya wareysiga magangalyada haddii aan u soo guuro dhulka beriga ha?

Haddii xannibaadda juqraafiyeed la qaado oo laguu wareejiyo dhulka beriga ah iyada oo loo marayo wareejin lasoo qaban-qaabiyey, nidaamkaaga magangelyo ma carqaladeesmaayo. Waxaad dukumeenti ka heli doontaa Xafiiska Magangalyada Gobolka (RAO) ee jasiiradda aad ka tagayso. Waa inaad tagtaa Xaruunta magangelyo(RAO) ee u dhow ciwaankaga cusub si aad u hesho taariikh waraysi cusub.

 

Xayiraaddeyda juquraafi ahaan waa la qaaday - maxaa ku dhacaya waraysigeyga magangalyada haddii aan keligay u soo guuro dhulka beriga ah?

Haddii xaddidaada juqraafiyeed la qaado oo aad ka guurto jasiiradaha oo aad u guurto meel kasta oo Gariiga ah keligaa, Adeegga Magangelyada Gariiga uma wareejin doono kiiskaaga xafiis kale. Waxaa laga yaabaa inaad ku laabato jasiiradda aad magangalyada ka codsatay oo aad wareysiga magangalyada halkaas ku sameyso. Waxaad la hadli kartaa NGO-yada sharciga ah si aad u hubiso inaad ka codsan karto Adeegga Magangalyada in ay faylkaaga u wareejiyaan xafiis kale oo ku yaal dhulka beriga ah.

Waa lama huraan in aad la socodsiiso Adeegga Magangelyada ee Gariigga isbeddel kasta oo ku yimaadda ciwaankaaga ama faahfaahinta xiriirka si aad ula socotid kiiskaaga oo aad u hubiso inaadan seegin wax ballan ah.

 

Maxaa dhacaya haddii aan ka tago jasiiradda ka hor inta aan la qaadin xaddidaadda juqraafi ahaaneed?

Maamulka ayaa kuu tixgelin doona inaad si sharci darro ah u safartay oo aad ku joogtid si sharci darro ah meel kasta oo aad ka joogto Gariiga. Ma awoodi doontid inaad hesho hoy, gargaar lacageed ama adeeg kale. Ma awoodi doontid inaad sii wadato codsigaaga magangalyo. Had iyo jeer waxaad halis u geli doontaa in lagu xiro oo lagugu celiyo jasiiradda aad ka soo tagtay markii ay booliisku hubinayeen. Haddii aad xaaladdan isku aragto, la xidhiidh NGO sharci si aad u hesho macluumaad ku saabsan tallaabooyinka suurtogalka ah.

Wasaaradda socdaalka iyo magangalyada Gariiga iyo UNHCR waxay kula talinayaan dadka ka tagay jasiiradaha iyagoo wali ku jira xaddidaada juquraafiga inay dib ugu noqdaan jasiiradda ay magangelyada ka dalbadeen ayagoo kharashka iska bixinaya. Si kastaba ha ahaatee, NGO-yada sharciga ayaa iftiiminaya, gaar ahaan haddii aad tahay nin keli ah oo keligiis safraya, waxaad la wajaheysaa khatar aad u sareysa oo ah in lagu xiro markaad ku noqoto jasiiradda. Waxaan kugula talineynaa inaad qaadato talada sharci yaqaan ama qareen ka hor intaadan go'aansan inaad ka baxdo jasiiradda iyadoo ay ku saarantahay xaddidaadda juqraafiyeed.