hero-header

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaaddiniinta Yukreeniyaanka ah ee la diiday ee aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah.

 

Adeegga magangalyada Gariiga waxa laga yaabaa inay u baahdaan inay kula soo xidhiidhaan wax ku saabsan isbedelada ballantaada ama ay kuu soo wargeliyaan kiiskaaga wixi kusoo kordha. Sidaas darteed, haddii aad beddesho lambarkaaga teleefankaaga ama ciwaankaaga, waxaad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso xiriiradaada adoo adeegsanaya aaladda adeegyada magangelyada ee onlaynka ah halkan .

Waxaad u baahan doontaa inaad ku darto xarfaha Laatiinka:

  • Lambarka kiiskaaga
  • Lambarka faylkaaga
  • Magacaaga koowaad iyo magaca u dambeeya(magaca awowgaaga)
  • Lambarka taleefankaaga
  • Iimaylkaaga
  • Xafiiska Magangalyada Gobolka ee aad codsigaga ku samaysay
  • Magaca & Magaca labaad ee qareenka idman
  • Lambarkaaga cusub iyo/ama ciwaankaga cusub
  • Ku soo lifaaq aqoonsi sharci ah(ID)
  • Ku soo lifaaq oggolaanshaha saxiix asalka ah

Haddii aad rabto inaad beddesho ciwaankaaga, marka laga reebo codsiga, waa inaad ku lifaaqdaa mid ka mid ah dukumeentiyada soo socda

  • Heshiiska kirada
  • Biilasha Korontada iyo/ama biyaha
  • Qoondaynta shahaadada lambarka VAT
  • Xaqiijin ay qoreen xarunta hoyga
  • Cadeyn uu qoray wakiilka nidaamka hoyga

Oo calaamadee sanduuqa " Waan aqbalay siyaasadda sirnimada(Privacy Policy)"