hero-header

Sawirka: Refugee.info / Daphne Tolis

 

Gariiga, waxaa jira noocyada hoyga ee hoos ku xusan iyadoo loo eegayo heerkaaga:

  • Xeryaha magangalyo-doonka ee jasiiradaha.
  • Kaamamka magangalyo doonka ee ku noolyahiin ee dhulka beriga ah. Ma dooran kartid nooca hoyga.
  • Guryo leh taageero dhaqaale oo loogu talagalay qaxootiga la aqoonsan yahay iyada oo loo sii marayo Barnaamijka HELIOS.

Xeryaha

Waxaa jira xeryo ku yaal dhul weynaha Giriiga iyo jasiiradaheeda. Halkan waxaa ah liiska xeryaha Giriigga.

Xeryaha, waxaad caadi ahaan ka heli kartaa:

  • Daryeel caafimaad
  • Adeegyada bulshada
  • Hawlaha waxbarashada
  • Barnaamijyada ilaalinta carruurta
  • Barnaamijyada haweenka
  • Barnaamijyada nadaafadda
  • Adeegyada turjumaada
  • Adeegyada la-talinta sharciga

Waxaad boos ka heli kartaa xerada kaliya iyada oo loo marayo soo-dhowaynta iyo xarunta aqoonsiga, waana inaad aqbashaa meesha aad ka hesho, haddii kale waxaad waayi doontaa helitaan hoy.

Ma awoodid:

  • Inaad dooratid kaamka aad tagayso
  • Ka guurtid xero oo u guurtid mid kale
  • Ka guurtid jasiiradaha una guurtid dhulka beriga ag adiga keligaa
  • Meel ka heshid xero adiga oo iskaa ah
  • Joogtid kaamka adoon lahayn meel rasmi ah (ama waxaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si aad meel u siiso kuwa kale)

Haddii aad ka guurayso jasiiradaha una soo guurayso dhulka beriga ah, waa in aad si rasmi ah ugu tagto UNHCR oo aad ka soo baxdaa xerada laguugu qoray. Haddii kale, waxaad wayn helitaankaaga hoy.

 

Qorshaha hoyga HELIOS

Halkan ka hubi heerka uu shaqaynayo barnaamijka HELIOS oo arag haddii la aqbalayo codsiyo cusub.
Sida ku cad ogeysiisyadii ugu dambeeyay, mashruuca HELIOS iyo adeegyadiisa ayaa si tartiib tartiib ah dib u bilaaban doona, iyadoo dhammaan ka faa'iidaystayaasha HELIOS si toos ah loola xiriiri doono. Waxaad la xidhiidhi kartaa khadka caawinta HELIOS si aad u hesho macluumaad faahfaahsan ama aad ballan ugu samayso booqasho mid ka mid ah xafiisyada hoos ku qoran oo aad uga faa'iidaysato adeegyada HELIOS:

  • Alkminis 36-38, Kato Petralona, Athens
  • Aristotelous 11-15, 10432, Athens
  • 25is Martiou 4, Tavros, Athens
  • Nikolaou Germanou 1, Thessaloniki
  • Ptolemaion 29A, Thessaloniki
  • Olympiados 24, Kardamitsia, Ioannina
  • Andrea Papandreou 107, Amoudara, Heraklion, Crete
  • Nikolaou Plastira 4, Chania, Crete

Waxaad sidoo kale kala xiriiri kartaa IOM nambarada soo socda ee WhatsApp 9 subaxnimo-3 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha:

LAMBARKA LUQADAHA WHATSAPP

  • + 30 6909868980 Ingiriis- Fransiis - Yukrayniyaan - Gariig
  • + 30 6906656134 Carabi
  • + 30 6906956107 Sorani - Kurmanji - Turki
  • + 30 6906656125 Farsi - Pashto - Urdu - Hindi - Panjabi

Guryo gaar loo leeyahay

Waxaad iska kireyn kartaa guri ama guri cimaarad ah oo saaxiib kuu kireeyay adoon lumin xuquuqdaada magangalyo-doon ama qaxootinimo ee Gariiga. Haddii aad degto hoy gaar ah, waxa aad wayday helitaanka lacag caddaan ah.

Si aad keligaa u kireeysato guri, waa inaad saxiixdaa heshiis guri. Si taas loo sameeyo, waxaad u baahan doontaa nambarka canshuurta (AFM) iyo koodhadhka TAXISnet-kaaga maadaama nidaamka oo dhan uu yahay in lagu dhammeeyo khadka tooska ah ee TAXISnet.

Baro sida loo helo mid:

Helitaanka lambarka cashuurta (AFM)

Waxyaabo dhowr ah oo muhiim ah oo ay tahay inaad ka ogaato ee kiraynta Gariigga:

Guri kireeya gudaha Giriiga