hero-header

 

Dukumeentigani waxa uu caddaynayaa in booliisku ku aqoonsaday oo ku diiwaangeliyay. Waxa aad helaysaa marka ugu horraysa ee aad soo gasho Gariiga, haddii ay dhacdo in aad martid hubin aqoosi oo booliiska ah. Haddii aysan ku joojin ama ku hubin booliiska Gariigga, waxaa lagu soo saari karaa marxalad dambe, ka dib markii ay soo gudbiyaan maamulka ka shaqeeya xerada qaxootiga ee Gariigga ama haddii lagu geeyo saldhig booliis inta lagu gudo jiro hubinta aqoonsiga caadiga ah. Kaagu wuxuu u ekaan karaa mid ka duwan kan.

Booliisku waxay soo geliyaan dhammaan xogta shakhsiyeed ee ku jirta warqadda Booliiska nidaamka kombiyuutarka ee booliiska Alkyoni. Nidaamkani waxa uu ku xidhan yahay nidaamka Eurodac, halkaas oo farahaaga lagu kaydinaayo.

Hubi in dhammaan macluumaadkaaga shakhsiyeed ee warqadda ay sax yihiin. Weydiiso sixid haddii aad aragto khaladaad. Waxaad xaq u leedahay inaad codsato turjumaan kaa caawiya hubinta ama saxida macluumaadkaaga.

Waxaa jira laba lambar oo muhiim ah oo ku qoran warqadda:

Lambarka rabitaanku waa nambarka la siiyo magangalyo-doonka ee muujiya rabitaankiisa inuu magangalyo ka codsado Giriiga.  Diiwaangelinta codsiyada magangalyada waxay dhacdaa ka dib marka ballan lagu qabto khadka internetka.  Diiwaangelintaada dhul weynaha Giriiga waxay ka dhici kartaa xerada Malakasa (oo u dhow Athens) ama midda Diavata (oo u dhow Thessaloniki).

Lambarka ΔΙ.Κ.Α. ama Δ.Κ.Α. ( Aqoonsiga galka / DIKA): Waa lambarka faylka ee magangelyo-doonka uu sameeyay adeegga magangalyada ama booliiska. Ogow in isla lambarka (Δ.Κ.Α.) uu ku qoran yahay qoraalka rasmiga ah.

GR-PoliceNote

Warqadda Booliiska kuma siinayso xaqa aad:

  • Shaqada Gariiga
  • Ugu safarto meel ka baxsan Gariiga
  • Keen xubnaha qoyska Gariiga