hero-header

*Nidaamka soo socdaa waxa kale oo uu quseeyaa muwaaddiniinta Yukreeniyaanka ah ee la diiday oo aan helin heerka ilaalinta ku meel gaadhka ah.

 

waxaad u isticmaali kartaa maqaalkan si aad wax badan uga ogaato habka dib u cusboonaysiinta Ogolaanshahaaga degananaanshaha ee Giriiga, oo ay ku jiraan:

  • Sida iyo goorta aad codsanayso cusboonaysiinta Ogolaanshahaaga degenaanshada
  • Waxa la sameeyo haddii Ogolaanshahaaga degenaanshiyaha uu ku dhow yahay inuu dhaco
  • Maxaad samayn kartaa haddii dib u cusboonaysiinta Ogolaanshahaaga daganaanshaha uu dib u dhaco

Adeegga magangalyada Gariiga ayaa u xaqiijiyay Refugee.Info in dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha degenaanshada inay qaadan karto in ka badan intii la filaayey - mararka qaar in ka badan lix bilood. Tani waxay ka dhigan tahay in qaarkiin laga yaabo in lagu daayo Ogolaanshaha Deganaanshaha oo dhacay, kuwaas oo aanad isticmaali karin si aad u xaqiijiso aqoonsigaaga ama aad u gasho adeegyada dadweynaha sida xafiisyada shaqo la'aanta iyo xarumaha adeegga muwaadiniinta (KEPs). Sababtan awgeed, waxaa lagu siin doonaa shahaado shaqaynayso mudo lix bilood ah, taas oo ay weheliso aqoonsigaagii dhacay, waxay xaqiijin kartaa helitaanka adeegyada si ku meel gaar ah.

 

Sida loo cusboonaysiiyo Ogolaanshahaaga Deganaanshaha

Hoos ka hel si kooban heerarka iyo tillaabooyinka cusboonaysiinta ogolaanshaha joogitaanka ee qaxootiga la aqoonsan yahay ama dadka la siiyay ilaalin hoose:

  1. Marxaladda 1-aad: 2-3 bilood ka hor inta uusan dhicin oggolaanshaha joogitaanka, qofka haysta oggolaanshaha joogitaanka waa inuu ku buuxiyaa foomka codsiga cusboonaysiinta si onlayn ah oo uu ku soo diro hal sawir baasaboorka dhijitaalka ah emaylka gas.residencepermits@migration.gov.gr.  Kadib xereynta codsigaga, waxaad codsan kartaa shahaado ah in codsigaga uu laalan yahay oo ay bixiso Adeegga magangalyada. Iyadoo ku xiran culeyska shaqada ee Xafiiska Magangalyada Gobolka, waxaa laga yaabaa inaad hesho shahaadada isla markaaba ama waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad ku laabato maalmo gudahood. Waxaad weli isticmaali kartaa aqoonsigaagii dhacay ee caddayntan ilaa laga soo saarayo aqoonsigaaga cusub iyo ugu badnaan 6 bilood.
  2. Marxaladda 2aad: Marka go'aanka dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha deganaashiyaha uu diyaar yahay, qofku waxa uu email ka heli doona Adeegga Magangalyada oo leh tilmaamo iyo dukumeentiyada ay tahay inay wataan ama heestaan marka ay balanta la leeyihiin Booliska.
  3. Marxaladda 3aad: Qofku waa inuu ballan ka samaystaa waaxda booliiska ee awoodda u leh ee ciwaanka ee deganyahiin.
  4. Marxaladda 4-aad: Maalinta ballanta, qofku waa inuu yimaadaa saldhigga booliiska ayaga oo wata dukumentiyada loo baahan yahay. Kadibna waa inay sugaan sharciga degenaanshaha inta laga siinaayo.
  5. Marxaladda 5aad: Marka ogolaanshaha joogitaanka diyaar yahay, waa inaad ballan ka qabsataa xafiiska magangalyada ee awooda u leh si aad u soo qaadato.

Ka hel dhammaan macluumaadka iyo foomamka ku yaal bogga Wasaaradda halkan.

Adeegga magangelyada Gariiga waxa ay waydiiiyaan dadka haysta ogolaanshaha joogitaanka in ay cusboonaysiiyaan si online-ah. Waxay soo jeedinayaan in la bilaabo habkan ugu yaraan saddex bilood ka hor intaysan dhicin oggolaanshahaaga degenaanshiyaha .

Waa inaad si joogto ah u hubisaa ciwaanka iimaylka ee aad ku caddaysay codsigaga maadaama aad heli doontid iimayl marka go'aanka cusboonaysiinta ogolaanshaha degenaanshada uu diyaar yahay. Sidoo kale hubi qeybta spamka ee akoonkaaga Gmailka.

spam

Ka dib marka laguu sheego in go'aanka cusboonaysiinta sharcigaaga uu diyaar yahay, waa inaad ballan ka samaysataa Waaxda Booliska ee awooda u leh si aad mar labaad u dhigato farahaaga iyo sawiradaada. Nidaamkan ka dib, waa inaad sugtaa inta ogolaanshaha deganaashiyaha lagu siinaayo. Dadka qaarkiis waxay helaan Ogolaanshiyaha Deganaanshaha oo dib loo cusboonaysiiyay bil ama laba bilood gudahood. Kuwa kale, hawshu waxay qaadataa waqti dheer.

 

Goorma iyo sababta ay dib u dhacyadu u dhacaan?

Adeegga magangalyada Gariiga ayaa u sharxay Refugee.Info in dib u dhacyada ay sabab u tahay culayska shaqada ee maamulka, gaar ahaan xafiisyada magangalyada gobolka ee Attica.

Codsi kastaa oo dib u cusboonaysiinta Ogolaanshaha degenaanshada, xubnaha shaqaaluhu waa inay la tashadaan dhawr maamul oo kale, oo ay ku jiraan Booliska iyo Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Maamulka, Adeegga Magangelyo ayaa yidhi.

"Tiro badan oo kiisas ah, mas'uuliyiinta booliisku waxay u baahan yihiin inay sameeyaan hubinta diiwaanka dambiyada caalamiga ah, taas oo waqti qaadanaysa," sarkaal ka tirsan Adeegga Magangalyada Gariiga ayaa yidhi.

ResidencePermit-2

Maxaa dhacaya haddii shahaadada ku meel gaadhka ahi ay ayaduna dhacdo?

Haddii wax ka badan laba bilood ay dhaaftay oo aadan weli helin Ogolaanshahaaga Deganaanshaha ee cusub, waxaad u baahan tahay inaad dib ugu noqoto Adeegga Magangalyada Gobolka oo aad waydiiso waxa keenay dib u dhaca.

Iyadoo ay ku xirantahay kiiska, Adeegga Magangalyada Gariiga ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo shahaado cusub oo sheegaysa in cusboonaysiinta ogolaanshaha degenaanshahaaga la sugayo. Shahaadadan waxay shaqayn doontaa mudo laba bilood ah.

 

Maamulka dadweynuhu ma aqbalayaan shahaadada ku meel gaadhka ah iyo ogolaanshaha degenaanshada ee dhacay?

In kasta oo ay tahay, haddana waxaa jira jahawareer badan oo arrintan ku saabsan ee adeegyada guud ee dadweynaha ee Gariigga.

Adeegga magangalyada Gariiga ayaa u sheegay Refugee.Info in ay codsi rasmi ah u direen wasaaradaha, maamulada iyo ururada ay khusayso, iyaga oo ka codsanaya inay aqbalaan shahaadada ku meel gaadhka ah inay tahay mid sax ah.

Sida laga soo xigtay saraakiisha magangalyada Gariiga, wali ma aysan helin wax xaqiijin ah in dhammaan maamulada dadweynaha, oo ay ku jiraan Hay'addaha Shaqo la';aanta Gariiga (OAED) iyo xafiisyada KEP, ay aqbali doonaan shahaadooyinka.

Adeegga magangelyada Gariiga waxa ay u malaynayaan in masuuliyiinta badankoodu ay aqbalaan shahaadada ku meel gaadhka ah iyo ogolaanshaha degenaanshada ee dhacay in ay yihiin aqoonsi sax ah sababta oo ah waxa ay ka heleen cabashooyin yar oo ka soo horjeeda qaxootiga.