Haddii aad tahay magangalyo-doon ama qaxooti la aqoonsan yahay, waxaad kireysan kartaa guri kaligaa ama waxaad la wadaagi kartaa saaxiib adiga oo aan waayin mid ka mid ah xuquuqaadkaaga.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan muwaadiniinta Yukreeniyaanka fadlan hubi "Hoyga Yukreeniyaanka"
Haddii aad tahay magangalyo-doon degan hoy gaar ah, waxaad weli heli kartaa gargaarka lacagta caddaanka ah iyo adeegyada bulshada.
Kahor intaadan awoodin inaad kireysato guri, waxaad u baahan doontaa inaad haysato lambar canshuur ah oo lagu magacaabo AFM (Α.Φ.Μ.) si aad heshiis ula gasho milkiilaha guriga. Waxaad baran kartaa sida loo helo mid halkan:
Helitaanka lambarka cashuurta (AFM)
Talooyin aad ku ogaan karto ka hor intaanad guri ka kiraysan Gariigga
Waxaad ka heli kartaa guri Gariiga dhexdiisa iyada oo loo maraayo wakaaladaha guryaha, xayaysiisyada sirta ah ee wargeysyada maxaliga ah iyo internetka, ama afka. Mareegaha ugu muhiimsan ee laga helo guryaha Gariiga waa Xrisi Eykairia iyo Spitogatos , oo lagu heli karo Ingiriis iyo Giriig.
Markaad aragto xayaysiin guri ah oo aad xiisaynayso, waxaad wici kartaa lambarka lagu siiyay oo waxaad codsan kartaa inaad aragto guriga. Milkiilaha ama wakiilka guryaha ayaa kuu diyaarin doona inaad soo booqato guriga.
Haddii aad rabto inaad kireysato, heshiis qandaraas oo gaar ah oo qeexaya shuruudaha u dhexeeya milkiilaha guriga iyo adiga ayaa u baahan doonna in la saxiixo. Sida caadiga ah, qandaraaska gurigu waa laba sano, iyo deebaaji(hormaris) 1 ilaa 2 bilood kiradood ah ayaa loo baahan doonaa in hore loo bixiyo. Caddadka deebaajiga(hormariska) waa in lagu xusaa heshiiska gaarka ah ee ay labada dhinac saxiixi doonaan.
Kadib saxiixa heshiiska, milkiilaha waxaa ku waajib ah inuu u geliyo qandaraaska website-ka TAXISnet (xogta xafiiska canshuuraha elektarooniga ah) si loo habeeyo nidaamka. Dhankaaga, waa inaad aqbashaa heshiiska qandaraaska adiga oo saxiixaya akoonkaaga mareegaha TAXISnet.
Qiimaha guryaha kirada ahi way kala duwan yihiin iyadoo ku xidhantahay aagga(goobta). Caadi ahaan, qiimaha kirada ee Athens iyo Thessaloniki ayaa sarreeya marka loo eego Gariigga intiisa kale. Guryaha goglan ayaa ka qaalisan kan aan goglanayn. Kiradaadu waxay u badan tahay inaysan ku jirin kharashyada korontada, biyaha iyo kuleylka. Waa inaad ogaataa in biilasha biyaha iyo korontada ay tahay in lagu wareejiyo magacaaga iyadoo loo eegayo nidaam gaar ah.
Sida waafaqsan sharciga Gariigga, haddii aadan bixin kirada 3 bilood oo isku xigta, milkiilaha gurigaaga wuxuu xaq u leeyahay inuu ku saaro oona haysto deebaajigaaga(hormaiskaaga).
Sawirka daboolka ah: Christos Tolis / UNHCR