hero-header

Si aad u degto xero ama hoy Hay'ada qaramada midoowe u qaabilsan arrimaha qaxootiga(UNHCR), waa inaad marka hore iska diiwaan gelisaa Xarunta Soo dhawaynta iyo Aqoonsiga ama, xaalado dhif ah, booliiska.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan muwaadiniinta Yukreeniyaan fadlan hubi" Hoyga Ukrain"

Xaruumaha soo dhaweynta iyo aqoonsiga

Marka ugu horraysa ee aad timaaddo Gariigga, xitaa ka hor intaadan codsan magan-gelyo, waxaad hoy ka codsan kartaa Xarunta Soo Dhawaynta iyo Aqoonsiga.

Waxaad ka heli kartaa xarumaha soo dhaweynta iyo aqoonsiga ee Lesvos, Chios, Leros, Kos iyo Samos Islands iyo dhulka beriga ah ee Evros (Fylakio).

Ka dib marka aad soo marto dhawr habraac yar, oo ay ku jiraan hubinta aqoonsiga iyo baadhis caafimaad, saraakiisha maamulka adeega soo dhawaynta iyo Aqoonsiga ayaa ku meelayn doona meel aad degto gudaha kaamka, haddii la heli karo. Waxaa laga yaabaa inaad ku jirto teendho ama lagu weydiiyo inaad joogtid meel ka baxsan xerada.

Haddii aanad soo marin Xarunta Soo dhawaynta iyo Aqoonsiga marka ugu horraysa ee aad gasho Gariiga, ma awoodid inaad gasho xero ama hoy kale, mana heli doontid adeegyo badan.

Haddii aad magangelyo ka codsaneyso Gariiga oo aadan haysan meel aad degto, waa inaad la xiriirtaa hay'ad gargaar ee sharci.

 

Khatarta xadhiga ama masaafurinta

Haddii aad ka weyn tahay 18 oo aadna leedahay kaarka diiwaan gelinta, booliisku waxay u badan tahay inaysan ku xirin, sida ay sheegtay UNHCR iyo hay'adaha bixiya talada sharciga, oo ay ku jiraan Greek Council for Refugees and Solidarity Now. Ogow in kiis kasta uu si gaar ah u baarayo booliisku. Xaaladaha qaarkood, tusaale ahaan, haddii aad kiisas dembi ah ku leedahay maxkamadda dembiyada Giriigga, waxaa laga yaabaa in lagu hayo. Inkastoo aad haysato kaarka magangalyada, waxaad codsan kartaa gargaar sharci haddii lagu hayo.

Haddii aadan haysan kaadhka Diiwaangelinta, isla markaasba sheeg inaad rabto inaad magangalyo ka codsato Gariiga ama weydiiso qareen inuu ku raaco, ururada sharciga ayaa ku talinaya. Markaad ku dhawaaqdo inaad magangelyo codsan doonto, waxaad ka fogaan kartaa halista masaafurinta.

Dadka u taga booliiska ka hor inta aysan dalban magangalyada, gaar ahaan ragga doobka ah(kaligood ah), waa la hayn(xeri) doonaa ilaa ay ka codsadaan magangalyo, sida ay hay'adaha sharciga u sheegeen Refugee.Info.

Haddii aad ka yartahay 18 aadna kaligaa socotid,booliisku waxa laga yaabaa inay ku hayaan xabsiga ilaalintaaga.

Sawirka: Vicky Markolefa / Mercy Corps