20231005 Italy RSaunders Trieste DSC00536.jpg

Wasaaradda magangalyada iyo socdaalka ee Giriiga ayaa ku dhawaaqday in 10 sano oo ogolaansho degenaansho ah ay siinayso da'yarta aan lala socon. Hoos ka hel shuruudaha iyo dukumentiyada aad u baahan doonto codsigaaga.

 

Codsiyada hadda waa furanyihiin!Waxaa lagula talinayaa in aad raadsato caawimo xagga sharciga ah ka hor inta aanad gudbin codsiga si aad u hubiso in faylkaagu uu dhamaystiran yahay.

 

 

Shuruudaha lagu dalbado

Haddii aad imaatay Giriigga adigoo ah cunug aanan lala socon, waxaad u qalmi kartaa oggolaanshahan haddii aad buuxiso shuruudaha soo socda:

  • Dhammaystirka saddex sano ee waxbarashada dugsiga sare marka uu gaaro da'da 23.
  • Inaaadan ka maqnaanin Giriigga in ka badan 2 sano oo xariir ah.
  • Caymis caafimaad oo buuxa.

Dukumentiyada loo baahanyahay

Inta lagu gudo jiro nidaamka codsigaaga, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad soo gudbiso dukumeentiyada soo socda:

  • Nuqulka ama koobiga baasaboorka ama dukumeentiga safarka
  • Dukumeenti cadeynaya inaad Giriiga ku soo gashay ilmo aan lala socon. Dukumeentigan waa in ay soo saaraan masuuliyiinta awooda u leh sida Adeegga Magangalyada, Soo dhawaynta iyo Adeegga Aqoonsiga, Xoghaynta Guud ee Dadka Jilicsan iyo Ilaalinta Hay'adaha ee Wasaaradda Socdaalka iyo Magangalyada, ama waaxda Booliska Giriiga ee ay khusayso. (Tusaale ahaan: foomka diiwaangelinta, go'aanka qiimaynta da'da, qoraalka booliiska, meelaynta hoyga ama goobta hoyga muddada dheer ee carruurta)
  • Baaq adag oo xaqiijinaya inaadan ka maqnayn Giriiga in ka badan laba sano oo isku xigta.
  • Dukumeentiyadu waxay caddaynayaan inaad dhammaysatay ugu yaraan saddex sano oo waxbarashada dugsiga sare ah ka hor dhalashadaada 23aad. 

 

Ogeysiis Muhiim ah: Shahaadooyinka imaanshaha lama aqbali doono. Waa inaad soo gudbisaa caddaynta dhammaystirka guusha ee ugu yaraan saddex (3) fasal oo ah waxbarashada sare ee dugsiga Giriigga ka hor da'da 23, mid kasta oo ka mid ah waa inuu kuu qalmaa inaad u gudubto fasalka xiga.

 

Ogolaanshiyaha degenaanshaha 10-ka sano ah waxaa si toos ah loogu rogi karaa sharci degenaansho oo waqti dheer ah waase haddii aadan Giriigga ka maqneyn in ka badan 6 bilood oo xiriir ah iyo 10 bilood wadar ahaan muddada 5 sano ee ugu dambeysay ka hor dhammaadka sharciga deganaanshaha.

 

Haddii aad buuxiso shuruudaha kor ku xusan, waxaad ku soo gudbin kartaa codsigaaga bixinta ogolaanshaha joogitaanka 10-sano ee internetka adigoo isticmaalaya madal ay Wasaaraddu leedahay. 

 

Waxaad ka heli karta foomka codsiga halkan adoo gujinaya qeybta 

"OGALAANSHAHA DEGANAASHAHA DHEER - OGALAANSHAHA DEGANAASHAHA EE 10-KA SANO"