Maqaalkan, waxaad ka heli doontaa liis dhamaystiran oo ah Hay'do ku yaala Athens ama Thessaloniki oo bixiya alaabo iyo adeegyo bilaash ah si ay u daboosho baahiyahaaga aasaasiga ah, laga bilaabo hoy, cunto, iyo dhar ilaa qubey, adeegyada doobiga ama dhar dhaqis, iyo xitaa alaabaha muhiimka ah ee carruurta.

Intaa waxaa dheer, waxaan bixinaa hagis tilaabo tallaabo ah oo lagu heli karo isbitaallada heeganka ah, si aan u hubino in uu qof walbaa uu heli karo daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah marka ay xaalad degdeg ah jirto.

Isbitaalada heeganka ku jira

Si aad u hesho cisbitaalada heegan ku jira, raac talaabooyinkan:

  1. Guji bogga oo bixinaya macluumaadka ku saabsan cisbitaallada heeganka ku jira.
  2. Marka uu boggu soo kaco, dooro Ingiriisi sida ee unoqoto luqadda aad doorbidayso haddii aanay hore u doorneen.
  3. Ka dooro ikhtiyaaraadka meesha ku qoran goobta aad joogtid
  4. Marka xigta, waxaad cayimi kartaa nooca adeegga caafimaad ee degdega ah ee aad u baahan tahay adiga oo ka dooranaya liiska lagu bixiyay. Tusaale ahaan, haddii aad u baahan tahay qeybta haweenka ama maqaarka, dooro ikhtiyaarkaku haboon. Haddii aad rabto inaad aragto dhammaan adeegyada heeganka ah ee la heli karo, waxaad ka dooran kartaa "Dhammaan heeganka" liiska.
  5. Kadib markaa sameyso xulashadaada, shabakadu waxay soo bandhigi doontaa natiijooyinka. Waxaad arki doontaa magaca isbitaalka, ciwaankiisa, iyo macluumaadka xiriirka (sida lambarka xarunta wacitaanka), iyo sidoo kale taariikhaha iyo saacadaha maalinta uu isbitaalku ku jiro shaqada. Intaa waxaa dheer, waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan nooca adeegyada uu bixiyo isbitaalkaas.

Markaad raacdo tillaabooyinkan, waxaad awoodi doontaa inaad hesho isbitaallo heegan ah oo ku yaala goobta aad rabto, waxaana heleesaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan helitaankooda iyo adeegyada ay bixiyaan. Haddii aad u baahan tahay caawimo, fadlan fariin u dir bogga Refugee.Info ee Facebook.

Hay'adaha bixiya adeegyada bilaashka ah si ay u daboolaan baahiyahaaga aasaasiga ah

Hoos waxaad ka heli kartaa hay'ado bixiya badeecooyin iyo adeegyo bilaash ah si ay u daboolaan baahiyahaaga aasaasiga ah ee Athens ama Thessaloniki:

  • Hoy
  • Cunto
  • Dhar
  • Qubey
  • Adeegga dhar dhaqidda ama doobiga
  • Agabyada Muhiimka u ah Dhallaanka ama carruurta - Agabyada Naasnuujinta
  • Farmashiyeyaasha Bulshada
  • Daawooyin

Waxaan kuu soo jeedineynaa inaad la xiriirto hay'adaha bixiya alaabooyinka iyo adeegyada ka hor inta aadan tagin goobahooda qaybinta, sababtoo ah hay'adaha qaarkood waxay aqbalaan booqashada marka aad ballanheysitid oo keliya. Waxaad sidoo kale ka hubin kartaa haddii ay u baahan yihiin wax dukumeenti ah. Fadlan xasuuso inaad haysato kaadhkaaga magangalyada ama dukumeenti kale oo aqoonsi ah markaad booqaneeso hay'ada.

Athens

Hoy

Cunto

Qaybinta Dharka

Agabyada aasaasiga ah ee Carruurta

Qubeyska

Adeegyada doobiga ama dhar dhaqista

Farmashi / Daawooyinka

Thessaloniki

Cunto

Qaybinta Dharka

Qubeys

Adeegyada Doobiga ama Dhar dhaqashada

Farmashi / Daawooyin (Warqad dhakhtar ayaa loo baahan yahay)